Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo mar dhaweyd warbaahinta kula hadley Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in Jamaal Cali Xussen aanu aheyn musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi UCID
Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa uu sabab uga dhigay hadalkiisa isaga oo sheegay in wakhtigii Jamaal loo doortey Musharaxa madaxweyne uu xisbiga UCID ahaa urur balse xisbigu iminka uu dooran doono musharax madaxweyne isla markaana ay shir weynahoodii golaha dhexe qaban doonan marka ay diwaangalintu dhamaato waxaana uu yidhi
“Jamaal Cali Xussen ma aha musharax yaa idinku yidhi waa musharax , maalintii aanu musharaxa ka dhignay xisbiba maanu aheyn hadii uu musharax noqdana xisbiga ayuu ka soo bixi doonaa ” Ayu yidhi Faysal Cali Waraabe
Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali uu sheegay in xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye uu xidhiidh ka dhexeeyo isla markaana ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay dano ka dhexeeyaan iminkana uu kalan la leeyahay madaxda xisbiga Kulmiye isga oo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi
“Xisbiga Kulmiye iyo xukuumada dan baa naga dhaxeysa iminkana shir baaba aanu wada galeynaa markaas dano guud iyo mid gaar baa naga dhexeeya ee ma ceebaa taasi ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Faysal Cali Waraabe