“Xeerka Hab Dhaqanka Iyo Shuruucda Doorashooyinka Meelna Kagama Jirto In Diiwaangelinta Dhexdeeda Ay Xisbiyadu Olole Doorasho U Adeegsadaan”
Nuxurka Qoddobo Baalmarsan Shuruucda Iyo Xeerarka U Degsan Hawlaha Doorashada Oo Lagu Eedeeyey Saddexda Xisbi In Ay Weji siyaasadeed Uga Faa’iidaysteen+Digniino Hor Leh Oo Ay Guddida Anshaxa Iyo Hab-dhaqanka Doorashooyinku U Direen Axsaabta
Gudida anshaxa komishanka doorashoyinka qaranka Somaliland oo shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda dhexe waxa ay farriin digniin ah siiyeen axsaabta siyaasadda ee saddexda ah kuwaas oo ay sheegeen in dhabihii ay komishan ahaan u jeexeen in kormeerka wacyigelinta diiwaangelinta u waajaheen weji siyaasadeed oo olole iyo kaambeyn ku ladhan yahay.
Shirkan jaraa’id ee xubnaha guddida anshaxa doorashooyinka waxaa ay ku soo bandhigeen digniino toos u khuseynaya isla m arkaana xakamaynaya dhaqdhaqaaqa axsaabta xilligan lagu gudo jiro diiwanagelinta. Afhayeenka guddida anshaxa doorashooyinka Cabdiraxmaan Aadan Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa saddexda xisbi qaran uga digay in ay kormeerka iyo wacyigelinta diiwaangelinta uga faa’iidaystaan weji siyaasadeed.
“Haddaanu nahay guddida anshaxa ee komishanka doorashooyinka qaranka meelna kagama jirto shuruucda doorashooyinka ee xeerka habdhaqanka xisbiyada inay xisbiyada qaranku olole doorasho u adeegsadaan diiwaangalinta dhexdeeda, waxaana haddana cadaatay in saddexda xisbi qaran ay olole ka baxsan awaamiirtii komishanka ka sameeyeen degmooyinka balligubadle iyo gabiley” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aadan Maxamed. Waxanu intaa ku daray “Guddida anshaxu waxay uga digayaan xisbiyada qaranka inay sameeyaan olole siyaasadeed ee ay ka dhex wadaan diiwaangalinta oo majarahabaabin karta habsami u socodka hawlaha qaran ee diiwaangalinta codbixiyayaasha haday sii wadaana gudida komishanka qaranka ayaa talaabo ka qaadi doona ”Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka gudida anshaxa komishanka Mudane Cabdiraxmaan Aadan Maxamed.