Somaliland: War Deg Deg Ah Suldaankii Dhawaan Lagu Mac-Malay Magaalada Hargeysa oo Is Casiley

Date:

Warar Xog,ogaal ah oo soo gaadhaya xafiiska Warqabadka Warganenew  ayaa  sheegaya in ninkii loo cumaamaday sii hayaha saldanada beelaha Subeer Awal iyo inti ku xeernayd ay ka tanaasuleen hawshii loo mac-malay,

Is casilaada Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxman  ayaa waxa ay ka danbaysay kadib markii qorshahii loo waday ay siba,an ugu jawaab iyo dareen celiyeen dhamaanba Beelwayntii Subeer Awal ee dunida dacaladeeda ku dhaqnayd oo gartay fidnida iyo qorshaha dhagaraysan ee lagu weeraraayo Saldanada Guunka ah ee Subeer Awal,

Dhanka kale sida warar xog,ogaal ahi ay sheegayaan Waxa  arinta dhabar kasii jabiyey kadib markii gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo loo aanaynayay in uu ka danbeeyey hawshan uu kaga baxay isla markaana uu sheegay in aanu lug ku lahayn,

Gudoomiyaha ayaa la sheegay in ragii uu u xilsaaray hir galinteeda markii ay soo dhameeyeen uu u diidey gudoomiyuhu in ay gurigiisa soo galaan,

Ilo wareedyo ku dhow Suldaan  Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaaHangoolnews u sheegay in uu cafis u fidiyey dadkii hawshaasi waday oo qaarkood oo la xidhiidheen Si ay  raali galin ka bxiyey gafkii ay isaga ka galeen ka dib Markii ay isku dayeen in ay wax ka badalaan arintii uu isagu meel dhigay beeshiisuna si tusmo ah uga ajiibtey,

Waxa dhawaan si rasmi ah loo soo afjarayaa arintan oo sida wararku sheegayaan loo balan san yahay in qaar ka mid ah dadkii kasoo laabtay arintani in ay shir jaraaid qabtaan kadib markii uu mid walba dhankiisa cadaadis kaga furmay ardaagisa hoose uu ka soo jeeday,

Sidoo kale dhaqdhaqaaq dibad iyo gudo ah oo ay wadaan qaar ka mid ah taagerayaasha muuse bixi ayay rabaan in ay ku qanciyaan in uu shir jaraaid qabto kaasi oo uu isku baraxaayo,

waxaana cod dheer ay ugu sheegeen in ay dantiisu ugu jirto in uu kusoo laabta suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xassan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan iyo sandanada guud oo markiisii horeba uu taageero buuxda uu ka helay balse isagu dar jiiday,

Si kastabaha ha ahaatee waxa dharaaraha soo socda la filayaa in u muujiyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi bisayl siyaasadeed taladaasi wax ku ool  ah oo u la yimaado ama uu sadqeeyo mustaqbalkiisii siyaasadeed,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...