Somaliland: Muuse Biixi: “Ma Cadho Ururtay Baa Kooxdan Meesha Fadhidaa?”, Talyanle: “Waar Gurigaagii Markii Aannu Kaaga Nimid Ma Huteeladaad Nagu Soo Doonanaysaa!!”

Date:

Weedho Kaftsan Siyaasadeed Ah Oo Ay Isku Weerareen Muuse Biixi Iyo Xubno Ka Mid Ah Is-Bahaysiga KULMIYE Mar Ay Goob Huteel Ah Si Kedis Ah Isugu Soo Galeen.

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ahna Musharrxa Xisbigaasi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cali Maxamed Xasan (Marreexaan) iyo Agaasimaha Maamulka iyo xisaabaadka Komishanka la dagaalanka Cudurka Aids ee SOLNAC Md. Cabdikariin Xinif oo dhinac ah iyo Xubno ka mid ah Is-bahaysiga Dimuquraadiyad Doonka KULMIYE oo ay ka dhex muuqdeen Guddoomiye ku xigeenada Xisbiga KULMIYE ee labaad iyo saddexaad Xildhibaan Waabeeyo iyo Talyanle ayaa weedho kaftan ah oo kululi ku dhex mareen goob caways ah oo ay habeen hore isugu soo galeen si kedis ah. Wargeyska Foore oo dhacdadan xiisaha leh goob-joog u ahaa ayaa warbixintan kooban idiinka diyaariyey dagaalkaasi afka ahaa. Goobtu waa Huteel Lake Assal ee xaafadda Shacabka, Caasimadda Hargeysa, wakhti caways ah oo dad koobani barxadda huteelkaasi ku cawaynayeen waxna ka cunayeen fiidnimadii Jimcuhu soo galayay iyada oo dadka barxadda Huteelkaasi ku sugnaa ay ka mid ahaayeen xubno ka mid ah Is-bahaysiga Dimuquraadiyad doonka KULMIYE oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Guddoomiye-xigeenada ka ah xisbiga KULMIYE, Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeeyo iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.
Waxa huteelka si kedis ah u soo galay xubno uu hogaaminayay Guddoomiyaha ahna Musharraxa xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid ahaayeen Wasiir Cali Marreexaan iyo Cabdikariin Xinif kuwaasi oo goobtii ay marayeen kula kulmay xubnaha is-bahaysiga ah ee Huteelka fadhiyey waxaanay markiiba isku boobeen hadalo, weerar iyo weerar celis ah oo kaftanka la isugu qarinayay.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa markii uu arkay xubnahan siyaasaddu kala irdhaysay ee ay isku xibsiga ahaayeen waxa uu ku boobay haddalo ay ka mid ahaayeen: “Waar Ma Cadho ururtay baa xolkan meesha fadhiyaa, waar bal warrama”. Waxaa markiiba hadalkaasi Guddoomiyaha KULMIYE ka jawaabay Xildhibaan Talyanle oo Muuse Biixi ugu jawaabay sidan: “Waar ma markii aannu gurigaagii kuu daynay ee aanu kaaga nimid ayaan Huteelada nagaag daba timid”. Labadaasi weedhood markii la is dhaafsaday waxa ay labada kooxoodba dhinaca u bilaabeen guux iyaga oo koox waliba jidhka is galisay oo aan jeclaysan in ay kooxda kale arkaan, ilbidhiqisiyo kooban kadibna waxa ay kooxda socodka ku jirtay ee Muuse Biixi hogaaminayay hore ugu sii gudbeen gudaha huteelka iyo goob ay u ballansanaayeen in ay fadhiistaan. Illaa imika waxa khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyaa Guddoomiyaha KULMIYE iyo xubnaha is-bahaysiga ah ee saluugsan qaabkii Muuse loogu doortay musharraxnimada KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...