KULMIYE Ma Waxa Uu Wali Quuddaraynayaa In Ay Raggaa Qaar Ka Mid Ahi Dib Ugu Soo Labtaan Xisbigii Ay Saluugeen
Go’aan shalay ka soo baxay Xisbi Xaakimka Kulmiye oo xubinimadii xisbigaasi laggaga caydhiyay rag ka tirsanaa Isbahaysiga Kulmiye ayaa gabi ahaanba laga tagay oo aan lagu soo darin liiskan rag door ah oo miisaan culus ku leh Isbahaysiga dimuqraadiyad Doonka Kulmiye,waxaanay arintaasi dhalisay Shaki dhinacyo badan oo Fasiraado badan laga bixiyay.
Liiskan Shalay ka soo baxay Kulmiye ayaa waxa lagu sheegay in Xubinimadii Xisbiga Kulmiye, Gudida Fulinta iyo tii Golaha dhexeba laga saaray rag uu ugu horeeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska Dr Cabdi Daahir Cali,Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirisaq Khaliif Axmed,Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaalada Axmed Xuseen Caydiid,Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole Iyo Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Cali Cabdi Saa’iq,kuwaasi oo dhamaan ka mid ahaa Xubnaha ku bahoobay isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka Xisbiga Kulmiye,islamarkaana maalin Qudha iskawada Casilay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxswweyne Siilaanyo kadib markii ay saluugeen Hanaankii loo qabtay Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee loogu soo cumaaday Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ee Hadda jooga Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici.
Hadda markii go’aankani shalay ka soo baxay Xisbiga Kulmiye ayaa waxa markiiba wax la iska waydiiyay sababta looga tagay ee liiskan loogu soo dari waayay raggii ugu tunka weynaa Isbahaysiga ee hogaaminayay ee ay Marka Qudha uga wada tageen Xukuumadda Siilaanyo,ee ay ugu horeeyaan Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xassan,Wasiirkii hore ee Wasaaraddda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale,Wasiirkii Xigeenkii hore ee Wasaaradda dib udejinta Nimco Xuseen Qawdhan,Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir,Gudoomiyihii Xigeenkii labaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye Iyo Gudoomiye xigeenkii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Talyanle kuwaasi oo ka mid ah Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Xisbiga Kulmiye,islamarkaana aan la ogayn wax xidhiidh ah oo dhex maray Kulmiye tan iyo intii ay iska casileen Xukuumadda siilaanyo.
Warar aan la hubin oo la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ujeedada Xisbiga Kulmiye ugu dhiiran waayay inuu raggani Xubinimo Xisbiga ka qaado ay ugu horayso iyagoo quudaraynaya inay dib ugu soo noqdaan Xisbiga iyo Arimo kale oo diblo maasiyadeed oo ay ku xod xodanayaan qaar ka mid masuuliyiintani.
Foore