Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland mudane Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan isla markaana ka tirsan garabka isbahaysiga kulmiye ayaa waxa uu ka hadlay kormeer ay guddi ka socota arimaha gudaha golaha wakiilada Somaliland ay maalmahanba ku marayeen qaar kamida gobolada dalka.
Waxaana uu Cabdiwaxaad qoraal yar oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Baraha ay bulshadu ku kulanto uu u dhignaa sida tan
” Sida qorshuhu yahay haddii aan wax isbedelin waxaa sanad ka hadhsan tahay doorashooyinka is barkan ee Madaxtooyada iyo Wakiilada, Waxaana beryahanba Gobolada maraayey guddida Arrimaha gudaha ee wakiilada, oo u kuur gelaya fikradaha dadka ee ku saabsan saamiga golaha wakiilada ee Gobolada ,waxaanay soo mareen Gobolka Awdal iyagoo halkaa Kala kulmeen dood addag oo ku aadan saamiga Reer Awdal, sidoo kale garnaqsi kasii fog ayaa kaga horeeya G.Sool, waloow cabashadu ilaa Caasimadda gaadh siisan tahay oo Reer Hargeysiba saamiga ay leeyihiin saluugsan yihiin.
Golaha hadda jira oo ah 82 Xildhibaan- 55 xubnood waa deegaanka dhexe, halka Gobolada dhinacyadu yihiin 27, halkaa laba meel ayaa qaybta dhexe ah, waana ta sababta u ah guuxa iyo bulaanka daraf yadda, tiiyoo aynu ognahay Xubnaha sare ee Qaranka iyo kuwa xukuumadduba-ay dhinac ka raran yihiin, Waxaa loo baahan yahay ay tahayna in Arrimaha dhulka la dhigo si qaybta iyo isu dhammaan shuhuba u hagaagaan, igama ah qoraalkan yari dhaliil ama in aan daraf u hadlayo lkn waa waaqic iyo Wax jira oo wax kaqabad u baahan”