Somaliland: Gudoomiye Muuse Biixi Oo Bilaabay Qorshe Uu Kursiga Golaha Wakiilada Kaga Tuurayo Cabdiraxmaan Ciro Ka Dib Inqilaabkii Salandalada Suber Awal

Date:

Gudoomiyaha xisbiga  muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa  uu maanta bilaabay bilowga qorshe uu kursiga kaga takhluusaayo gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro  ka dib inqilaabkii sandalada Suber Awal ee fashilmey. Gudoomiyaha ayaa waxaa uu kulan arintani ku dar dar galinaayo  oo qado ah isku yeedhay  badiba xildhibaanada Golaha wakiilada kaga jira xisbiga Kulmiye oo uuu hor kacaayo Gudoomiye ku xigeenka golahaasi Baashe Maxamed Faarax  kaas oo ka dhacay Hotel Maansoor.

lama garan karo natiijada ka soo baxdey kulankaasi balse ilo ka ag dhaw kulankaasibale arintan ayaa waxaa ay  ku soo beegmeysaa wakhti uu Gudoomiye Muuse Biixi lagu eedeynaayo in uu ka danbeeyey qorshe lagu caleemo saaray suldaan cusub oo ay yeelaneyso beesha Suber Awal isla  markaana lagu af ganbinaayey  sandalada Beeshaasi kaas oo ay dadku sheegayan in uu noqdey mid aan noqon sidii lau talo galay isla markaana fashilmey  .

Muuse Biixi gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa waxaa la sheegayaa in ficilkan ay  ku kaliftey isaga oo aaminsan in gudoomiye Ciro oo tartan kula jira xisbga Kulmiye isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Waddani  uu lacago badan ka helo golaha wakiilada iyo kursiga uu ku fadhiyo ee Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.

Waxaana  xogo hoose oo ay helayso waaheen sheegayan in kulankan abaabulkiisauu  iska lahaa isla markaana soo qaban qaabiyey xildhibaan Obama oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kuna abtirsada xisbiga Kulmiye isla markaana u muuqda mid uu rabo in uu kaga aar guto cadho uu ka qaaday gudida musuq maasuqa oo dhawaan gudoomiye Ciro ka qaday Xildhibaan Obama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...