Somaliland: Gobolladda Ay Ka Soo Jeedaan Shan Xubnood Oo KULMIYE Laga Saaray Iyo Magacyadda Xubnaha Aan Magacooda la Soo Qaadin

Date:

Xisbiga talladda Somaliland, haya ayaa  xilkii Golaha dhexe iyo xubinimadii xisbigaba ka saaray, shan xubnood oo ka mid ahaa kooxdii la baxday isbahaysiga isbedal doonka KULMIYE ee qaadacay shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi ku doortay murrashaxiintiisa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ugu baratami doona doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto bisha March 2017-ka.

Shantan xubnood ee oo dhammaantood Wasiirro si wadar ah iskaga casilay bishii October 2015-kii xukuumadda Siilaanyo.

Digreetadda xisbiga KULMIYE lagaga saaray waxa ku saxeexnaa afhayeenka xisbul xaakimka KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxa lagu eedeeyay dastuur jabin.

 

“Sida ku cad warqadda sumadeedu tahay XK/XGX/0042185/2016, kuna taariikhaysan 23 March 2016 ee ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo lagu kala socodsiiyey hay’adaha ay khusayso, kadib markay wadatashi yeesheen Hoggaanka Sare ee Xisbiga iyo Guddida Fulinta, waxa caddaatay in xubnaha wadahadalka tooska ah kula jira xisbiyada Mucaaradka ah ay si badheedh ah uga horyimaadeen Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Xisbiga KULMIYE. Sidaas daraadeed, iyada oo la raacayo qodobada 11-aad iyo 13-aad ee Dastuurka Xisbiga KULMIYE waxay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin laga bilaabo maanta oo bishu tahay 23 March 2016 ay gabi ahaanba lumiyeen xubinnimadii xisbiga KULMIYE, taas awgeedna, waxa lagala noqday xubinimadii Golaha Dhexe iyo tii Fulinta,”ayaa lagu yidhi qoraalkan.

 

Waxa kale oo looga digay xubnaha xisbiga laga saaray inay adeegsadaan astaamaha iyo magaca xisbiga KULMIYE. “Waxa kaloo halkan xisbigu ku caddaynaynaa in aan sinnaba loo adeegsan karin astaamaha Xisbiga ee ay ka mid yihiin Calanka, Summadaha iyo Magaca Xisbiga, sidoo kale, wax wadahadal iyo heshiis ah aanay cidna kula gali karin magaca Xisbiga KULMIYE xubnahaasi. Maanta laga bilaabo waxay u madaxbannaan yihiin in ay magacyadooda oo kaliya naftooda ku matalaan.”

 

Xubnahaasi waxa ay kala yihiin:

 

  1. Cabdi Aw Daahir Cali. Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
  2. Cabdirisaaq Khaliif Axmed – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.
  3. Xusseen Axmed Caydiid – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
  4. Faarax Cilmi Geedoole – Waxa uu waayey Xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga.
  5. Cali Cabdi Saa’iq – Waxa uu waayey Xubinimadii Guddida Fulinta ee Xisbiga, tii Golaha Dhexe iyo Xubinimadii Xisbiga, kadib markii uu hore u caddeeyey inuu ka baxay xisbiga.”

Sidoo kale waxa baaq loo diray xubno kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenadda labaad iyo saddexaad ee xisbigaasi Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo iyo Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa lagu sheegay in xisbigoodu gacmo furan ku soo dhaweynayo “Xubnaha kale ee waajibaadkooda Xisbinimo muddada ka maqnaa, waxa aannu ugu yeedhaynaa in uu mar walba Xisbigu gacmo-furan ku qaabilayo walaalahooda bahweynta Xisbiga KULMIYE, kaalintoodiina ay sugayso,”ayaa lagu soo gunaanaday war-saxaafadeedka ka soo baxay xarunta KULMIYE.

 

Gobollada ay Ka Soo Kala Jeedaan Xubnaha Xisbiga laga saaray:

 

  • Cabdi aw Daahir Cali, Wasiirkii hore ee xaanaanada xoolaha, waxa uu ka soo jeedaa Galbeedka Burco iyo Daad-madheedh.
  • Xuseen Axmed Caydiid, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii KULMIYE, waxa uu ka soo jeedaa gobolka Hawd.
  • Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud, waxa uu ka soo jeedaa gobolka Sool.
  • Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirkii hore ee Beeraha waxa uu ka soo jeedaa gobolka Awdal.
  • Cali Cabdi Saa’iq, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Hawlaha Guud, waxa uu ka soo jeedaa beelaha laga tiradda badan yahay, waxaanu degaankiisu yahay Gabiley.

                Xubnaha Aan Magacooda la soo Qaadin

Xubnaha isbahaysiga Isbedal doonka KULMIYE ka tirsanaa ee aan lagu xusin wareegtadan waxa kale oo ka mid ah Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii Hore ee Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ahaana saddex murrashax oo doonayay inay tartamaan murrashaxnimadda Madaxweynaha KULMIYE.

Xubnaha Lala Heshiiyay

Waxa ka mid ah Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) iyo Cabdicasiis Maxamed Samaalle.

Gabogabo:

Isbahaysiga isbedal doonka KULMIYE waxay wada hadal la fureen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo ay u socdaan wada xaajood ay ku munaaqishoonayaan. Waxaanay u badan tahay inay xisbigaasi cududooda iyo tii taageereyaashoodaba ku biiriyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...