Gudoomiyaha golaha wakilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku magacabay guddi xisbiga wadani u matali doonta wada hadalada uu xisbigu la furay garabka isbahaysiga kulmiye.
Waxaana warsaxaafadeedka uu gudoomiye Cirro Ku saxeexnaa uu u dhignaa sida tan
REF/XIS/WAD/XDH/2302/2016 Taariikh: March 21, 2016
KU: Maxamed Cabdillahi Uurcade =Hargeysa=
KU: Jamaal Jaamac Xaamud =Hargeysa=
KU: Cabdirashid Xasan Mataan =Hargeysa=
KU: Cabdi Haye Maxamed =Hargeysa=
KU: Maxamed Nuur Caraale (Duur) =Hargeysa=
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI =Hargeysa=
OG: ISBAHAYSIGA Xisbiga KULMIYE =Hargeysa=
Ujeeddo: Magacaabista Guddida Wada-hadalka.
Iyada oo la raacayo go’aanka Hoggaanka Xisbiga ee ahaa in wada-hadal rasmi ah lala furo ISBAHAYSIGA Xisbiga KULMIYEIyada oo Xisbiga WADDANI iyo ISBAHAYSIGU ku heshiiyeen in la abuuro guddi wada-hadal oo min shan (5) xubnood ah.
Waxa Xisbiga WADDANI ku war-gelinayaa in xubnaha warqadani tooska ugu socoto loo magacaabay in ay noqdaan Gudidda Wada-hadalka u matalaya Xisbiga WADDANI.
Waxaan eebe ka baryaynaa in uu xilkaa idiin fududeeyo
ALLA MAHAD LEH
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI