Somaliland: Go’aamo Lagu Xadidayo Qiimaha Sarifka Lacagta Dollarka Oo Baanka Dhexe Shaacin Doono

Date:

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Adan ayaa shaaca ka qaaday in si loo ilaaliyo nolosha shacabka, xukuumada Somaliland qiimo aan la dhaafin karin u goynay doonto sarifka lacagta Doolarka, dhowaaan la shaacin doonto, taasoo qofkii jebiya sharciga lala tiigsan doono.

Kulan shalay xarunta Baanka dhexe ku yeesheen Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Adan, Gudoomiyaha Baanka Dhexe Axmed Xaaji Jaamac, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe mr. Cabdillahi Xasan Adan iyo xubno kaloo ka tirsan guddiga wax-ka-qabashada sicir-bararka iyo qiimo-dhaca ku yimi shillinka Somaliland ayaa lagu soo saaray go’aamo lagu xakamaynayo sarifka lacagaha qalaab, gaar ahaan doolarka, oo xukuumadu u goy’say in lagu safiro.

Marwo Samsam Cabdi oo ka hadlaysay oo ka hadashay in waajibaadkii guddiga oo muddo soo socday la xidhiidhay baadhitaano sida wax looga qaban karo safirka doolarka iyo qiimo-dhaca shillinka Somaliland ayaa tidhi,

“Daraasado guddigu waday weli ma dhamaan, laakiin, manta (shalay) waxaan sheegaynaa talaabadii u horeysay ee Baanka dhexe qaadayo, oo hoos loogu dhigayo qiimaha sarifka doolarka, muddo ka dibna qiimo cayiman loo goyn doono lagu sarifo Dollarka ($).”

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid kastoo jebisa go’aanka xukuumadu u xadiday safirka dollarka waxaanay tidhi,

“Waxa ku xigi doonta talaabo xukuumadu ka qaadi doonto cid kastoo jebisay qiimaha loo gooyey in lagu sarifo doolarka, maadama Baanka Dhexe awood u leeyahay inuu qiimo xadidan u gooyo sarifka Dollarka

Wasiirka Maaliyada ayaa sheegtay in go’aankan lagu xadidayo qiimaha sarifka Dollarku yahay mid dhamaan xukuumada iyo ganacsatada dalku ka midaysan yihiin, isla markaana ah go’aan sidii loo fulin doono Insha alaah.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mr. Axmed Xaaji Jaamac, oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay qaadayaan talaabooyin lagu hirgelinayo go’aankan lagu xadidi doono qiimaha sarifka Dollarka, waxaanu yidhi,

 “Waxaan caddeynayaa in Baanka Dhexe soo saari doono qiimo cayiman aan la dhaafi karin oo lagu sarifi doono lacagta Dollarka, waxaan ugu baaqayaa sariflayaasha iyo ganacsatada inaan dadka lagu kicin sicirka sarifka,”

Mr. Axmed Xaaji Jaamac ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay gartaan dantooda oo u sheegay inay ku jirto isticmaalka lacagta shillinka Somaliland, waxaanu yidhi,

“Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay dantooda gartaan oo ku jirta isticmaalka shillinka Somaliland ee dalku leeyahay, cid kastoo ka hortimaada go’aamada Baanka dhexe iyo xukuumadu soo wadaan talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doonaa.”

Go’aamadan guddiga wax-ka-qabashada sicir-bararka iyo qiimo-dhaca shillinka Somaliland ayaa noqon doona mid wax weyn ka tara dhibaatooyinka bulshadeeda ka haysta isbedelka sarifka lacagta Doolarka iyo kala duwanaanshaha qiimaha maceeshada, hadii sida ugu wanaagsan loo dhaqan geliyo, bulshaduna horsed u noqdaan qaadashada iyo isticmaalka shillinka Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...