Somaliland: Dableyda Loo Haysto Dilka Taliyihi Booliska Saaxil Oo La Saarayo Maxkamada Ciidanka

Date:

Kooxdii loo soo qabtay dilka taliyihii Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr, ayaa la go’aamiyay in dacwadooda lagu dhagaysto maxkamadad ciidamada.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wada hadal iyo gorfayn dheer ka dib la go’aamiyay in kooxdaas oo ka koobnayd 11 nin dacwadooda ay qaado maxkamadda ciidamadu, waxaana la filayaa in dacwadoodu dhawaan bilaabanto.

Geesta kale, waxa kooxdan wehelin doonta oo iyana maxkamadda ciidamadu dacwadeeda dhagaysan doontaa haweenay magaceedu yahay Saado Jaamac Aadan oo ay ciidamada Boolisku toddobaadkan ka soo qabteen magaalada Berbera.

Kooxdan, ayaa laga soo qabtay buuraha gobalka Saaxil,  waxaana loo haystaa dilka taliyihii Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr, oo uu dilkiisu dareen xaasaasi ah abuuray.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...