Somaliland: “Marwo Saado Uma Xidhna Maxkamadaha Shacabka Ee Waxay U Xidhan Tahay Maxkamada Ciidamada”Garsoore Axmed Dalmar

Date:

Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa cadaysay inaanay maxkamadaha shacabka ah u xidhnayn marwo Saado Jaamac Aadan, oo toddobaadkan laga soo xidhay magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa xaqiijiyay in haweenaydaasi ay u xidhantahay maxkamadda milatariga balse aanay shaqo ku lahayn maxkamadaha shacabku waxaana uu yidhi

“Haweenaydaas Saado Jaamac Aadan, uma xidhna maxkamadaha shacabka, waxase ay u xidhantahay maxkamadad ciidamada malateriga . Markaas maxkamadaha shacabku arrinkeeda wax shaqo ah kuma laha ee sidaas haloola socdo.” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa.

Waxana uu garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil intaasi ku daray

“Cid kasta oo danaynaysa waxaan mar labaad u cadaynayaa inaanay arrinteedu u oolin maxkamadaha shacabka.” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Is kasteba ha ahaatee Marwo Saado Jaamac Aadan ayaa ay dhawaan ciidamada RRU-du hoyga ay ka dagan taahy magaalada berbera ugu daatay, sidoo kalena waxa aan ilaa hada la garanayn xukumadduuna aanay ka hadlay sababta loo haysto Marwo Saado Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...