Maamulka Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.
Dadka dhintay ayaa isugu jiray haween iyo caruur ay abaartu si darran u saameysay.
Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa sheegay in abaartu ay saameysay reer guuraa badan oo iminka kasoo hayaamaya dhulka xeebaha.
Guddoomiye Ramaax waxa uu intaasi ku daray inuu maanta tagay degmooyinka Boon iyo Qun-ujeed oo uu sheegay inay ka qeybinayaan raashin mucaawimo ah.