Booqashada gudoomiyaha qurbajooga Somaliland Abdi Abdilahi Hirsi uu 11, marts 2016 ku yimi magaalada Copenhagen, Danmark waxay ahayd mid ku dhaawacay wadajirka iyo ilaalinta qadiyadda Somaliland. Waan cambaareynaynaa mana ahan mid u adeegaysa danta ummadda Somaliland iyo gaar ahaan dadka Qurbojooga ah ee Danmark.
Danmark waxa ka jira in ka badan 12 jaaliyadood oo Somaliland leedahay, halka Copenhagen aay ka diiwaan gashan yihiin 8 Jaaliyaddood, Waxa dhacday jaaliyad la isku qabsaday magaalada Copenhagen , kabacdina kala qaybsantay, oo kooxdii ugu yarayd murankana dhalisay looga dareeray jaaliyadda. Jaaliyaddaas oo aan haysan wax taageero ah iyo xubno joogta u bixiya lacagaha xubin kaga noqoshada, marka laga reebo gudidda jaaliyaddaas.
Maqalkii imaatinka gudoomiyaha qurbajooga waxa jaaliyaddihii kale iyo waxgaradkiiba uga digeen gudomiyaha qurbajooga Somaliland Abdi Abdilahi Hirsi inuusan lasafan kooxda dhaawacday waddajirkii qurbajoog Somaliland ee Danmark. Balse gudoomiyuhu intii uu ku sugnaa Danmark wuxu la kulmay tiradda Sawirka ka muuqata oo aay soo qaban qaabiyeen ururka “Dansk Somaliland venskabsforening”, halka laga qariyay dhaman ururaddii Somaliland ee Danmark ku noolaa.
Haddaba dhamaan ururadda Somaliland ee hoos ku xusan, kuna nool Danamrk waxay cadeynayan in aysan taageersanayn gudidda uu magacaabay iyo kooxda loo igmaday oo wax awood ah u lahayn isku xidhka bulshadda qurbajooga Somaliland iyo ka midho dhalinta Qadiyadda Somalilandba, balse gudoomiyuhu dangaar ah uu ka leeyahay.
Waxa ururka “Somaliland Diaspora Organization” oo ah daladda guud ee ururadda Somaliland Danmark qaban doonaa shir ay ku dooran doonaan gudi ay ku baahoobeen ururadda Somalilandee Danmark. Wixii ka soo baxa shirkaa guudna waxaa loo gudbin doono Saaxiibada iyo laamaha dawladda ee Danamrk ee ay khuseeyso, sida Wasaaradda Arrimaha debadda Denamrk, loona gudbin doono qoraaladda iyo gudiga lagu magacaabo shirka Ururadda Somaliland ee Danmark. Uraradda Somaliland waxay carrabka ku adkeenayaan baahida loo qabo in laga gudbo matalaadda ku salaysan kooxaysiga iyo inay lama huraan tahay baadigoobka hanaanka dimuqraadiyaynta Somaliland iyo ictiraaf helidba.
Waxaana muhiim ah inuu ogaado gudoomiyaha qurbajoogu in jaaliyadaha Yurub ee SLND inkasta oo ay Somaliland ka yimaadeen hadana ay yihiin dad european citizen ah isaguna yahay masuul dawladda Somaliland, gudoomiyaha qurbajooguna aanu xaq ulahayn inuu dhibaato ka dhex abuuro jaaliyadaha Somaliland ee Yurub, sida ka dhacday UK, France, Norway, Denmark iyo kuwa kale ee yurub ahba, arintaasina tahay arin denbi ah sidoo kalana ceeb iyo sharaf dhac ku ah wasaarada arimaha debida ee Somaliland iyo guud ahaanba milgaha dawladnimo ee Qaranka Somaaliland.
Ururadda Qurbojooga Somaliland ee Danmark ee Bayaankan Saxeexay:
- Somaliland Diaspora Organization – Daladda Guud ee Danmark
- Somaliland Youth Association – Daladda Guud ee dhalinyaradda Danmark
- Somaliland Consultant Business
- Somaliland Danish Friendship
- Somaliland Development Danish Support
- Somaliland Velfærds Forening
- Somalilands Dansk Forening
- Somaliland Humanitær Forening
- Somaliland Societies in Europe – Denmark
- Somalilands Fyns Hjælpeforening .
- Dansom Aid
- Xubnaha metelaya Ururaddan ee saxeexay:
- Abdullahi Ahmed Yusuf, Gudomiye Somaliland Diaspora Organization + SSE
- Axmed Diriye Liibaan – SSE
- Amb. abdirisaaq Diinaari
- Amb abdirisaq Ahmed Ibraahim, Afqaraf – Gudoomiyihii hore ee ictiraaf raadinta
- Axmed Cabdikarim ducaale – Dansom Aid
- Jamal Odawara Laare
- Abdi Nooh
- Abdi Ali Jama
- Hassan Baaruud
- Maxamed Adan Dheri
- Xasan Cali Cigaal
- Suldan Maxamed – Kabran
- Mustafa Yuksuf Yabarug.
English Version will follow
For further information, please contact:
Gudida
Somaliland Diaspora Organization
SSE, Denmark
Copenhagen, Denmark
Office Line – Tel: +452539315 / 21956982