Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro” oo maanta meel fagaare ah kala hadlay dad weynaha ku dhaqan caasimada gobolka Hawd ee Balli-gubadle.
Geesta kalena Guddoomiye Cirro ayaa khudbadiisa ku soo qaatay taariikhada faca-weyn ee magaalada Balli-gubadle,waxaanu xusay in ay tahay hooyadii halggankii dib u xorraynta dalka ee SNM hoyga u ahayd,isla markaana wuxuu xusay in ay taariikhda Somaliland baal-dahab ah kaga suntan tahay,isagoo taxay wax-qabadyadii ay Xukuumaddii kala dambeeyey ka qabteen gobolka Hawdd,balse wuxu sheegay in ay Xukuumadda KULMIYE hagratay gebi ahaaba gobolka Hawdd oo aanay waxba ka qaban halkaasi,waxaanu ku bilaabay Guddomiye Cirro haddalkiisa sidan:-“Magaalada Balli-gudbadle waa magaalo taariikhi ah, haddii ay tahay halkii iyo weliba xilliyaddii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland, Balli-gudbadle, waxa ugu horreyn degmo u magacaabay madaxweynahii ugu horreeyey ee Somaliland Md.Cabdiraxmaan Tuur(AHUN) iyo Xasan Ciise oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisii, xukuumaddii Daahir Ra’yaale oo Cabdi Haybe ka shaqeynaayeyna waxa loo magacaabay gobal, se xisbiga Kulmiye muddadii uu xilka hayey waxa muuqata in uu hagraday guud ahaan gobalka, balse xisbiga WADDANI-na waxa uu diyaar u yahay siddii uu u qabyo tiri lahaa guud ahaan baahiyaha kala duwan ee gobalkan, ballanta aanu qaadnana ma raagto, waana aanu fulinaa..Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro