Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa ka hadlay Tilmaamaha Hoggaamiyaha Shacabka Somaliland u baahan yihiin, si loo mideeyo isla-markaana horumarkoodu u sii hano-qaado.
Sheekh Aadan-Siiro, oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Tilmaamaha iyo Hab-dhaqanka looga baahan yahay Hoggaamiyaha Shacabka Somaliland u baahan yihiin, ayaa Tusaalayaal badan u soo qaatay Hab-dhaqankii Rasuulkeennii Suubbanaa ee Muxamed (CSW), kuwaasi oo ay ka mid yihiin inuu dareemo oo uu Wejiga Dadka ka akhristo baahidooda.
Sheekha Aadan oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi,
“Waa kee Hoggaamiyaha Wanaagsan ee aynu doonaynaa?, waa kee Hoggaamiyaha wanaagsan ee Dadka badbaadinayaa?, waaka leh kooga dhibaateysan Anigaa ka masuul ah ee hawsha si la taaban karo u qabanaya Hawsha.”
Sheekhu waxa uu isbarbar dhigay dhibaatada Maanta Dalka ku haysata Qofka aan Cid Magac leh ku tiirsanayn iyo ka Cid Awood leh ku tiirsan,
“Maanta, waa Ayo Cidda Maxkamadaha ka ooyeysaa, waa Ayo kuwa Dhulkooda laga qaadayaa, waa kuwo Dhulkooda waddooyinka laga samaynayaa? Waa Agoontii aan Suldaan daba socon, waa kii aan Wasiir Daba socon. Bulshada aynu doonaynaa ma teenna Guryaha qaarkoodna Tobanka LandCruiser dhex yaalaan baa, iyada oo Hooyooyinka Dadkii dhibaatada badan Dalkan u soo maray Daasadaha Tamaandhada ah suuqa la fadhiyaan? Xadiiska uu Bukhaari ka wariyey Rasuulka (SCW) wuxuu ku yidhi, Bulshada aanu doonaynaa waxa weeyaan marka Laba Qof soo helaan Raashin inay yidhaahdaan Hebelka Innagu xiga ayaa baahane inoogu yeedha, waayo? Rasuulku wuxuu yidhi Raashinka Hal Qof wuxuu ku filan yahay laba Qof.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xadiiska uu Wariyey Bukhaari ayuu Abuu Hureyra ku yidhi, ‘Waxaan ahaa Mid Gaajo Darteed Beerka Dhulka ku haya ayaan Masaajidka ka Cararay aniga oo is leh Maanta yaad in yar oo Raashin ah la soo cuntaa?, wuxuu yidhi waxaa igu soo baxay Cumar Binu Khaddaab, inuu i fahmo oo uu Gacanta I qabto ayaan doonayey, laakiin si wanaagsan buu ii salaamayaa markaasuu i dhaafay buu yidhi, haddana waxa soo baxay Abuu Bakar, isaguna wuu i salaamay oo wuu I dhaafay. Markaasi ka dib ayuu soo baxay Rasuulku (SCW) mar alaale iyo markii uu sidaa ii arkay ayuu igu yidhi soo kac oo Inna keen, haddii uu jiro Qof Wejiga Dadka ka Akhriyi kara inuu Gaajoonayo, faraxsan yahay ama Cadhoonayo Rasuulka ayuu ahaa (NNKH), Guriga ayuu I geeyay buu yidhi Abuu Hureyra, markaasuu yidhi maxaad haysaan, markaasaa lagu yidhi Caano yar baa la hayaa, markaasuu Nebigu igu yidhi Abuu Hureyroow u yeedh tobanka Qof ee ugu Gaajeysan ee Masaajidka jooga, Xadiiskaasi wuxuu sheegayaa inay Caanahaa Cabbeen oo ay ka dhargeen 70 Saxaabi, markaasuu Anigana igu yidhi Rasuulku (SCW) Abuu Hureyroow Cab Caanaha, markaan Cabbey ilaa aan is idhi Malaha Faraha ayay kaa soo dareeri Caanuhu, markaasi ka dib ayuu Rasuulkuna Cabbey isagoo leh Gaajada ku soo saartay oo kale ayaa Anigana I soo saartay, haddana Dadkii kale ayuu iska horeysiiyey. Hoggaamiyaha Muslimka ah ee Dadka badbaadin karaa waa kaa Rasuulkuna Tusaalaha u ahaa.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), waxa kale oo uu ka hadlay Nidaamka Somaliland ku dhaqanto ee Hanti Goosiga,
“Nidaamka aynu ka soo dheeganay Nimanka Adduunka Hoggaaminayaa waa maxay? Waa in Kooxi Noolaato, waa in Koox aqoonta hesho, waa in Koox Dhulka oo dhan yeelato, laakiin Nidaamka uu Islaamku soo qaddimay waa wada tashi iyo wax wada yeelasho, kartidaada ayuun baad wax ku noqonaysaa, Maaha Xisbi buu ka tirsan yahay, Cid kale oo ku soo dalacaysaa kama jirto Islaamka dhexdiisa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu baaq u diray Dadka ILAAHAY wax siiyey, “Waar kuwa ka xooleysta Dadku ILAAHAY haka yaabaan oo Dadkooda ha ku gurmadaan, Booyado Biyo ah iyo Raashin yar oo la daadiyaa waxba tari maayaan Dadka ee Biyaha Dooxyada hala xidho, si Dadku wax ula soo baxaan, waayo? Maanta waxa la gumeystaa Qofka aan la soo bixin waxa uu Cunayo.”
Sheekhu waxa kale oo uu Mahad-naqay Guud ahaan Dadkii Gacanta ka geystay Gurmadka Abaaraha ka jira Somaliland.