Xildhibaan Cali Aareeye oo ka yaabiyey reer Saaxil, Kana Warramay Manaam Uu Sheegay In Uu Marxuum Cigaal Farriin Ugu Soo Dhiibay.
Xildhibaan Cali Sheekh Aareeye oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada ee kasoo jeeda Gobolka Selel ayaa reer Berbera uga sheekeeyey riyo uu sheegay in farriin uu Marxuum Cigaal ugu soo dhiibay
“Waxaan Idiin Sheegayaa Habeen Hore Ayaan Riyooday Oo Farriin Baa la Ii soo Dhiibay, Waxaana La igu Yidhi Farriintaas Sheeg, Farriintaasna Waxaa Ii Soo Dhiibay Marxuumkii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo aanu saaxiibo ahayn runtii. Wuxuu yidhi Marxuumku, Caliyoow Berbera iyo Sheekh U Sheeg In Ay Horta Is Diiwaangeliyaan oo aan laga badan. Waxaa kale oo aad ummada u sheegtaa buu marxuumku igu yidhi in dawladda hadba dalka ka jirtaa haddii ay dulmi samayso ay tahay Faqash”