Haddaynu Ninkii Dhibta Ugu Badan Shalay Gaadhsiiyey Somaliland Gaadhsiiyey Aynu Maanta Nidhaahno Nin Fiican Buu Ahaa Ma Fiicna Ee Caadifadda Hala Iska Daayo Oo Marka Hore Bani Aadmigu Ha Is Qiimeeyo”
Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa ka hadlay xubnaha la magac baxay Isbahaysiga xisbiga KULMIYE ee dhawaan wada hadalladu u bilaabmeen masuuliyiinta WADDANI. Xubnahan oo uu si dadban u hor kacayo wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi cali Xaaji Xasan isla markaana ay kamid yihiin guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE Xil. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo iyo wasiirkii hore ee Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa wada hadal magaaladda Hargeysa uga furmay iyaga iyo masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI dhawaan waxaa ay rejo kaga muujiyeen in ay is af garad buuxa ka gaadhi doonaan in ay garabkani ku biiraan xisbigaas. Haddaba Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo shalay magaallada Hargeysa ugu warramay Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo Horn Cable TV ka tirsan waxaa uu sheegay in haddii garabkaasi ku biiraan xisbiga WADDANI ay marlayba noqonayaan qodax ka go’day xisbiga KULMIYE, iyaga oo miisaankoodana uu ku tilmaamay kuwo aan waxna u dhimayn halkay ka tageen waxna ku biirinayn halka ay tageen. “Anigu waxaan aaminsanahay in xubnahan ka tegey [xukuumadda iyo KULMIYE] ay sabab u ahaayeen in shacbiga Somaliland iyo xukuumaddoodu kala fogaadaan” sidaasi ayuu yidhi Cabdillaahi Abokor Cismaan, waxanu intaa ku daray “waxaa marka hore fiican in bani aadmigu uu is qiimeeyo oo caadifadda la iska daayo, ninkii aynu shalay ogayn ee dhibta ugu badan Somaliland gaadhsiinaayay, haddaynu maanta nidhaanho nin fiican buu ahaa, sidaasi ma fiicna, aniguna waxaan dareemayaa uun horena waan u sheegaye in nimankaasi ay ahayeen dhibaatadii ku dhex jirtay shacbiga iyo xukuumadda oo ka baxday meesha, meel kale oo ay tagaanna dhibaato uun bay la tegayaane faa’ido la tegi maayaan, koley Cabdiraxmanaanna [guddoomiyaha WADDANI] in uu xog ogaal hawshaas ka yahay baan aaminsanahay, markaa u malayn maayo in xubnahaasi yihiin kuwo cidna wax ku kordhin kara cidna wax kala tegi kara”. Geesta kale wasiir ku xigeenkii hore ee Amnigu waxaa uu shacbiga gobolka Saaxil oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ku boorriyey in ay meel uga soo wada jeedsadaan adkaynta amniga isla markaana ay u diyaar garoobaan qaadashada kaadhka codbixinta oo dhawaan ay komishanka doorashooyinku ka bilaabi doonaan hawshii diiwaangelinta halkaasi “waxaan ku boorrinayaa uun shacbiga gobolka Saaxil in ay meel uga soo wada jeedsadaan amniga ilaalintiisa una diyaar garoobaan sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen si ay tiradooda iyo tayadoodaba ay sare ugu qaadaan, kuna xisaabtamaan qaadashada kaadhka codbixinta waayo diiwaangelintu toddoba cisho ayuun bay ka soconaysaa halkaasi laakiin 21-ka maal mood ee kale deegaannada uun baa lagu reebayaa , sidaasi darteed aan loo malaynin ama loo dareemin in 28-kaas cishaba ay soconayso diiwaangelintu” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.