Somaliland: Gudoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Hanjabaadii Uga Timi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ee Ku Saabsanayd Inuu Dil Toogasho Ah Ku Dilayo

Date:

Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa maanta ka hadlay hanjabaadii uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe usoo diray ee ahayd inuu dil toogasho ah ku dilayo iyo waliba diiwaangalinta codbixiyayaasha eek a bilaabmaysa gobolka Saaxil.

Waxaana uu gudoomiye Cirro uu yidhi

“Aniga iyo saaxibkay Faysal Cali ama Wadani Iyo Ucid waxaan saxaafada horkeenayaa iyo shacabka arinkaa maxkamada ku jirta shalay iyo maanta, waxay iska ahayd goloftankii  siyaasadda waanay iska dhamaatay, waanu soo afjarnay halkaasanay ku dhamatay aniga iyo saaxiibkayna gacmaha Ayaan is haysanaa, axsaabtuna waxay heshiis ku yihiin in hiigsigooda ay kaga dhabaystaan iyadoo shaqaaqo ay ka maqan tahay”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

Dhanka kalena gudoomiye Cirro waxa uu ka hadlay diiwaangaliinta ka bilaabmaysa gobolka saaxil waxaana uu bulshada reer Saaxil ku baraarujiyay kuna dhiri galiyay inay qaataan kaadhka codaynta si ay qofkay arkaan inuu dalka wax ugu qabanyo ugu codeeyaan waxaana uu yidhi.

“Munaasibadan aynu iskugu nimi ee daahfurka diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka Saaxil, waxaan runtii ku hambalyaynayaa gudiga doorashooyinka qaranka oo aan goob joog u ahayn labadii gobo loo horeba sidii wanaagsanayd ee hawshaasi usoo dhamaatay waanan ku hambalyaynaynaa komishanka, waxaana rajaynaynaa sidii wanaagsanayd ee ay uga soo dhamaatay goboladii hore inuu gobolkana uga bilaabmo uguna dhamaado hadii alle yidhaa”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Cirro

Sidoo kalena gudomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“Waxaan rajaynayaa waxii qabyo ah ee ka dhiman diiwaangalinta inaynu iskaga nimaadno komishanka, waxaan beesha caalamkana ka codsanaynaa inay waxii qabyo ah eek u saabsan gaar ahaan maaliyadda, ee ku saabsan daabacaada kaadhadhka iyo qaybintooda, inay naga cawiyaan oo noso dadajiyaan”Sidaas ayuu hadalkisa kusoo koobay Gudoomiye Cirro.

Si kasteba ha ahaatee gudoomiye Cirro ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu daah furayay diiwaangalinta codbixiyayaasha eek a bilaabmaysa gobolka saaxil oo ka dhacday magaalada berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...