Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Calimaxamed Waran-Cadde Ayaa Saaka Shir Kula Qaatay Xafiiskiisa Haayada EUCAP Nestor Oo Somaliland Ka Caawisa Dhinaca Ciidamada Xeebaha.
Shirkan Ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Calimaxamed Waran-Cadde Waxa Ku Wehelinaayey Wasiirku Xigeenka Maamulka Gobolada Iyo Degmooyinka Jaamac Cabdillaahi Biin Iyo Taliyaha Ciidamada Badda Commander Maxamed Xuseen Xiirane Halka Dhinaca Kalana Ay Hogaaminaysay Madaxa Hawl Galadda Haayada EUCAP Nestor (Head Of Mission) Oo Lagu Magacaabo Simonetta Silvestri Isla Markaana Ay Wehelinayeen Saraakiil Ka Tirsan Haayadaasi .
Shirkan Ayaa Lagaga Wada Hadlay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Tayeynta Ciidamada Bada Loona Tayeynlahaa .
Shirka Oo Soconayey Saacad Badhkeed Ayaa Ku Bilaabmay Jawi Degan Isla Markaana Kusoo Dhamaaday Is Faham Iyo Sidii Loo Dardar Galin Lahaa Taageerada Dhinaca Ciidamada Ee EUCAP Nestor Ay Siico Somaliland .