Taageereyaasha Hoggaanka xisbul xaakimka KULMIYE, ayaa maalmihii la soo dhaafay bilaabay qorsheyaal ay kaga fal celinayaan Xubnihii isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE ee dhawaan wada-hadalka la furay xisbiga mucaaridka ugu weyn ee WADDANI oo ay u badan tahay inay uga digo rogtaan xisbigii KULMIYE ee ay ka biyo diideen in Muuse Biixi aanay cid kula baratimin doorashadda xisbiga gudihiisa ee mansabka madaxweynenimo.
Taageereyaasha maro-ku dhega ah ee wejiga cusub ee xisbiga KULMIYE waxay bilaabeen inay dacaayado iyo aflagaadooyin wax loogu dhimayo sharafta iyo karaamadda Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana mareegaha qaarkood lagu baahiyay warar gacan ku rimis ah oo dekadii Ceel-gardi loogu nisbeynayo inuu ka dambeeyo Xirsi Cali oo la xaqiijiyay inaanu wax shaqo ah ku lahayn eedaha samayska ah ee lagu ribaynayo.
Shabakadaha daabacay qormooyinka riyo maalmeedka ah waxa ka mid ah mid la yidhaahdo Africa intelligence oo eedaymo runta ka arradan ku qortay bogeeda, ka dibna ay ka soo xigteen shabakadaha wararka qaarkood.
Tibaaxaha aan runta caarada ku lahayn waxa lagu sheegay in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ciidan ka soo dejiyay dekadda Maydh, taasi oo ah sheeko baraley kooxaha abuuray ay ku dhaawacayaan amniga dalka.
Marka la eego siiqada loo qoray maqaaladan runta ka fog waxa dadka siyaasadda la socdaa ay aaminsan yihiin inay tahay dacaayado laga dhex curiyay xisbiga KULMIYE oo ay kaga soo horjeedaan in Wasiirradii xisbigooda ka goostay ay xoojiyaan xisbiga WADDANI oo cududiisa iyo taageereyaashiisuba sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambeysa.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa tobaneeye Wasiir iyo Wasiir Ku xigeen oo xukuumadda Madaxweyne Axmeed Siilaanyo iska casilay 26-kii October 2015, waxa dad badani qabaan in taageerada uu ka haysto bulshaddu ay sii korodhay tan iyo markii uu ka ruqsaystay xukuumadda oo la ogaaday inuu yahay siyaasi dhalinyarro ah oo arragtidiisa oo kaliya ku camal fala.
waxase xaqiiqo ah haddii isaga iyo xubnaha ay olloga yihiin oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ahaa aasaaseyaashii KULMIYE, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Maxamed Xaaji Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee xisbul xaakimka Cabdiraxmaan Talyanle iyo xubnaha kaleba ay wax weyn ka ridi doonaan taageeradii KULMIYE ee gobollada dalka.