Somaliland: Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Qoddobo Lagu Ganaaxi Doono Xisbiyadda

Date:

Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa  soo saaray qoddobo ay sheegeen in  lagu ganaaxi doono xisbiga jabiya xeerarka iyo anshaxa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee gobolkii saddexaad laga bilaabi doono Khamiista fooda innagu soo haysa.

Guddida doorashooyinku waxay caawa soo saareen qoraal ka kooban afar qoddob oo ay ku caddeeyeen tallaabooyinka laga qaadayo xisbigii ku gefa shuruucda ee diiwan-gelinta codbixiyeyaasha ka dhigta olole siyaasadeed oo uu magaalooyinka ka fuliyo. go’aankan oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan. waxa uu ka dhashay dacwad ka dhan ah xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI oo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe u gudbiyay Guddida doorashooyinka.

war-saxaafadeedka Guddida doorashooyinka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gudgude, waxa uu u qornaa sidan:-

“Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi Qaran iyo Madaxtooyadaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan.

Haseyeeshee, waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraya oo u muuqda olole siyaasadeed oo ay wadaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, gaar ahaan labada gobol ee Togdheer iyo Awdal, haddaba, si looga hortago soo noq-noqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la majara-habaabiyo habsami-u-socodka hawsha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo hawsha diiwaan-gelinta ku taariikhaysan 07/03/2016 ee Guddiga Ilaalinta Anshaxa Codbixiyayaasha wuxuu soo saaray awaamiirtan:-

 

  1. In laga bilaabo 8th March 2016 saddeeda Guddoomiye xisbi Qaran aanay tagi karin Gobolka Diiwaangelintu ka bilaami doonto muddo 15 cisho ka hor maalinta diiwaan-gelinta.
  2. In Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran oo wata min toddoba xubnood ay ka soo qayb-galaan maalinta daahfurka diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Gobol kasta iyagoo xisbi waliba wato ugu badnaan 5 baabuur oo aan lahayn istiikaro, mikrifoon iyo sawirro, waxaanay gobolkaas ku sugnaan karaan maalinta bilowga diiwaangelinta iyo saddex maalmood oo ka horreeya.
  3. Waxa looga digayaa xisbiyada Qaranka in aan la ogolayn in lagu arko magaalooyinka boodhadh iyo sawirro lagu xardhay murrashaxiin sheeganaya in ay u tartamayaan Baarlamaanka ka hor muddada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

 

  1. Xisbi kasta oo jabiya awaamiirtan Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa lagu ciqaabi doonaa Xeerka Diiwaangelinta, Xeerka Hab-dhaqanka Diiwaangelinta Codbiiyayaasha iyo xeerarka kale ee Qaranka ee khuseeya Doorashooyinka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...