Somaliland: Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ku eedeeyay inay Safarada ku burburiyaan Hantidii shacabka

Date:

“Xukuumadu haday Cirro ka baqanayso Annagu kama baqanayno oo runta ayaanu u sheegaynaa”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliiley Safarada Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ay ku tagayaan Gobolada Diwaangalinta laga bilaabayo Ama ka Socoto.

Guddoomiye Faysal Waxaa uu sheegay in Kulmiye iyo Waddani ay wacyigalinta diwaagalinta Codbixiyayaasha ay uga faaidaysanayaan Ollole ay shacabka kaga doonayaan Cod.Faysal Cali Waraabe Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in safaradaasi ay sababeen isku dhacyo ka dhaxeeyay masuuliyiin ka tirsan Waddani iyo kuwo ka socday Kulmiye kuwaasi oo isku Hanjabay.

Faysal Cali Waraabe Waxaa uu xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ku eedeeyay inay adeegsanayaan lacagtii shacabka maadaama uu Cirro guddoomiye ka yahay Golaha wakiilada,Kulmiyena ay xukuumadu ka taageerayso kharashka safarada.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxaa uu safaradan ku tilmaamay kuwo laga xumaado oo lagu burburinayo hantidii umada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...