Somaliland: Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud oo si wada jira u dhagax dhigay waddo laami ah oo maridoonta gudaha madaxtooyada

Date:

Iyadoo lagu jiro tabaabushaha iyo u diyaar garawga dabbaaldega 25 guurada ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland, Madaxweynuhuna uu dhawaan dhisay guddida heer qaran ee qaban qaabada iyo agaasinka xuskaa weyn ee 18may, Guddidaas oo ay wada shaqayndoonan guddiyada heer gobol iyo degmo ee dalka, ayaa gudaha madaxtooyada Somaliland waxa mudooyinkan danbe ka socda hawlo banayn iyo qurxin isugu jirta.

Iyadoo laga duulayo diyaar garawgaasi munaasibada qaran, ayaa wasiiru-dawlaha Madaxtooyada mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddu Marwo khadra Xaaji Gaydh, waxay dhagax dhigeen waddo maridoonta gudaha madaxtooyada oo laami ah, taas oo isku xidhi doonta gudaha madaxtooyada ilaa mid ka mida wajahada hore ee Madaxtooyada.

Sidoo kale fagaare labaad oo lagu qaban doono dabbaaldega 18 may iyo munaasibadaha kale ee qaranka ayaa lag bineeyey gudaha madaxtooyada Somaliland.

Guddiyada heer gobol iyo degmo ayaa iyaguna gudogalay qabanqaabada iyo agaasimka 25 guurada 18 may.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...