Somalia: Doon hub culus u wadey Somalia oo la qabtey

Date:

Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Australia oo lagu magacaabo HMAS Darwin ayaa qabtey ku dhawaad 2000 oo qoiri oo AK47 ah iyo hub kale oo loo wadey Soomaaliya.

Ciidamada saaran Markabka HMAS Darwin ayaa doonta hubka wadey ku istaajiyey meel 300km u jirta xeebta dalka Cumaan, waxaana ay ka heleen ku dhawaad 2000 oo qori oo AK47 ah, 49 Qori oo ah Hubka culus ah iyo Gantaalada garbaha laga tuuro oo gaaraya 100.

War ka soo baxay ciidanka Australia ayaa lagu sheegay sababta hubkan loo qabtey ay tahay go’aankii Qaramada Midobey ee xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993.

Doonta la qabtey oo nooceedu ahaa mid kaluumeysi ayaa ku jeedey xeebaha Soomaaliya. Ma cadda goobta saxda ah ee hubkan cinwaankiisu ahaa.

HMAS Darwin intercepts a small-arms smuggler approximately 170 nautical miles off the coast of Oman. Photo: ABIS Sarah Ebsworth

Dhanka kale Ciidamada Australia kama aysan hadlin xiliga ay qabteen doontan, laa minsan yahay in ay ka timid dhanka dalka Yemen ama dalalka kale ee Bariga Dhexe ee nidaam daradu ka taagan tahay.

Xeebaha Soomaaliya waxaa weli ilaalo ka haya maraakiibta shisheeye tan iyo sanadkii 2010, kadib markii ay oggolaansho ka heleen Qaramada Midoobey, kadib markii Burcad-badeed ka dilaaceen xeebaha Soomaaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...