Somaliland: Barbera Oo Shalay U Muuqatay Goob Laga Guuray, Iyo Masuuliyiintii Dawladda Oo La Sheegay In Ay Hargeysa Soo Galeen

Date:

Badhasaabkii Xigeenkii Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdilaahi Ayay Xukuumaddu Shalay Galabtii Xabsiga dhigtay kadib markii sida la sheegay ay gashay tuhun ay Xukuumaddu dabada ka riixayso oo ku aadan Dilkii loo gaystay Taliyihii Qaybta Bilayska Gobolka Saaxil oo doraad dablay hubaysani ku dishay meel ka baxsa Magaalada Berbera,waxa sidoo xalay suuqa soo galay baadhis qoto dheer oo lagu wado Maareeyaha Dekeda Berbera Cali Xoor Xoor iyo Maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Cidin,warkan ayaa intaa ku daray in Xalay la isla qaatay in la aaso Meydka Taliyaha islamarkaana baadhistuna ay socoto.
Dhinaca kale, Inkasta oo markii dilku dhacayba ay Xukuumaddu bandoo ku soo rogtay Magaalada Berbera oo gabi ahaanba dhaq dhaqaaqii ka socday la hakiyay,hadana waxa ay shalay Magaalada Berbera u sansaan ekayd meel laga hayaamay oo aanay gaadiid shacabka, masuuliyiintii iyo madaxdii Dawladu dhex socon,kooxo dhalinayaro ah iyo dad weyne wayaal u badan oo magaalada Kooranyaasheeda lagu arkayay mooyaane,waxa sidoo kale laga jaray guud ahaan Gobolka Saaxil Khadkii isgaadhsiinta oo loo malaynayo inay Xukuumaddu dalbatay oo ay hawlgal hoose ay wado awgeed u joojisay xidhiidhkii Gobolkaasi.
Wararka Wargeyska Foore ka helay Shalay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa daaha ka rogay in Guud ahaan magaaladu Galinkii hore cidlo ahayd islamarkaana dadkii ku sugnaa,gaar ahaan ganacsatadii,Shaqaalihii iyo Masuuliyiintii kale ee Dawlada aanay ka muuqan dhaq dhaqaaqoodu magaalada,Waxa si weyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Berbera waxaana goob kasta lagu arkayay ciidamo gaashaaman oo iskugu jira kuwa Qaranka iyo Ciidamada Bilayska kuwaasi oo goobaha isgoysyada ah ku baadhayay Gaadiid tiro yar oo magaalada si teel teel ah udhex marayay. Wararkana ayaa intaa ku daray in masuuliyiintii Gobolku ay u soo carareen Magaalada Hargeysa xaalado Amni Awgeed,iyadoo dhinaca kalena shaqaalihii dawlada badankoodu iyaguna sidoo kale intooda badani Cabsi Amni Awgeed ay ugu soo yeeceen Dhinaca Caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib dilkii Doraad loo gaystay Taliyihii Qaybta Bilayska ee Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo dablay hubaysan jidgoyn ku dishay.
Sikastaba ha ahaatee Shalay aroortii hore ayaa loogu soo toosay Guud ahaan xidhiidhkii Xaga Telefoonada oo ka maqan Gobolka Saaxil oo aan cidna lagala xidhiidhi karin arintaasi oo gabalku ugu dhacay xalay waxaana loo malaynayaa in Maqnaashiyaha isgaadhsiintu yahay amar xaga Xukuumadda ah oo ku saabsan Hawlgalo ay Xukuumaddu ka wado Gobolka saaxil oo ay diidan tahay inaanay Shacabku waxba ka ogaan,islamarkaana la socon hawlgalo hoose oo ka socda Saaxil,kuwaasi oo sida la sheegay la xidhiidha Dhacdada ku saabsan dilkii Doraad loogu gaystay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Taliyihii Qaybta bilayska Gobolka Saaxil,arintaasi oo keentay xaalado shaki amni ah oo wal wal leh oo si gaar ah u taabtay Dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil iyo waliba dadkii wakhtigaasi ku sugnaa Berbera. Is-gaadhsiinat ayaa illaa xalay hawada ka maqnayd magaalada Berbera iyo deegaamada u dhaw iyada oo dhibaato weyni shacabka ka qabsatay adeeggii shirkadaha E-dahab iyo ZAAD oo si weyn loo tabay iyada oo muuqaalka magaaladu u muuqdo mid bandoo ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...