Somaliland: Salaaddiin iyo Cuqaal la xidh-xidhay, Berbera oo Isgaadhsiinta laga jaray, Ciidammo la dhoobay & Xaaladda Saaxil

Date:

Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Caawa Salaaddiin iyo Cuqaal gobolka Saaxil ka soo jeeda, kuwaasoo laga xidh-xidhay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ka dib markii Salaasadii Maanta Koox hubaysani dileen Taliyihii qaybta Booliska gobolka Saaxil Marxuum Gaashanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr)  isla markaana lagu dhaawacay Askari kale. Waxaana caawa Khadka Isgaadhsiinta ee xidhiidhka Taleefannada laga bakhtiiyey Berbera iyo nawaaxigeeda.

Salaaddiinta la xidh-xidhay, ayaa tiradooda lagu sheegay Afar Suldaan oo Reer Saaxil ah oo kala ah, Suldaan Cabdikariin Fariid, Suldaan Shariif, Suldaan Sayid iyo Suldaan kale oo aan magiciisa naloo xaqiijin iyo weliba illaa Shan Cuqaasha Reer Saaxil ah, waxaana lagu kala xidhay Hargeysa iyo Berbera.

Sababta Salaaddiinta iyo Cuqaasha loo xidh-xidhay, ayaa ah dilka Taliyihii Qaybta gobolka Saaxil Gashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr), ka dib markii ay Maanta Koox Hubaysani ku toogteen deegaanka lagu magacaabo Biyooley oo ku ku yaalla dhinaca Koonfur-Bari ee magaalada Berbera, Askar kalena ay dhaawacy u geysteen, markii ay halkaas Masuuliyiin uu kamid ah Taliyaha Geeriyooday ay gaadheen.

Waxaanay Xiisaddani la xidhiidhaa khilaaf ka dhashay Deked yar oo kaluumaysi oo laga dhisaayay  deegaanka Ceel-Garde ee Bariga magaalada Berbera oo ay hore Koox hubaysani u weerareen, hase-yeeshee Heshiis qodobbo ah laga soo saaray Shir ay wada yeesheen Madax-dhaqameedka laba Beelood oo arrintu u dhaxaysay iyo dawladda oo goob-joog ka ahayd, heshiiskaas oo qodob ka mid ahi dhigaayay in la soo qabto Dablaydii weerartay Degaanka Ceel-gardi, kuwaas oo ay isla qaateen labada Beelood inay Xukuumaddu soo qabto nimankaas balse aanu fulin.

Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ayey buux-dhaafiyeen Ciidammo tira badan oo gelinkii dambe ee Salaasadii Maanta iyo Caawa fiidkii ka tegay magaalada Hargeysa, kuwaasoo isugu jiray Millateriga iyo qeybaha Ciidammada Booliska ee SPU-da ee sida deg-degga ah u hawlgala iyo kuwa RRU-da ee la-dagaallanka Argaggixisada. Waxa sidoo kale Berbera gaadhay Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Waxa la jaray ama hawada laga saaray Xidhiidhka Khadka Taleefannada ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyo weliba meelo kale oo isla gobolka ka tirsan, waxaana la joojiyey sida lagu warramay isu-socodka Gaadiidka u kala gudbaya magaalooyinka Burco iyo Berbera iyo weliba Hargeysa caawa ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...