Maxkamadda degmadda Hargeysa, ayaa shalay xukuno isugu jira xidhi iyo ganaax lacageed ku riday 18 eedaysanne oo dirawal ah oo lagu eedeeyay inay wateen gaadiid lagu qaadi jiray dadka tariibayaasha ajenbiga ah, kadib markii ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada laanta socdaalka Somaliland.
Gudoomiyaha maxkamadda degamadda Cabdirashiid Maxamed Xuseen Beergeel oo xukunka garsoore ka ahaa ayaa ku dhawaaqay xukunka kala duwan ee lagu eedaysanayaasha.
Gudoomiyaha maxkamadda degmadda oo akhriyaya magacyadda eedaysanayaasha ayaa yidhi:
Mukhtaar Maxamed Ibraahim
Maxamed Xasan Maxamuud
Fu’aad Abiib Cabdi
Mukhtaar Ibraahim Aadan
Xuseen Aw Jaamac Diiriye
Mubaarik Jaamac Hayr
Nuur Cilmi Diiriye
Cabdiqani Nuur Cilmi
Khadar Maxamed Cilmi
Siciid Maxamed
Nuur Ismaaciil Jibriil
Muuse Yuusuf Ibraahim
Cabdi Saleeebaan Cali
Cabdi Maxamed Kaahin
Cabdirisaaq Aadan Cawad
Barkhad Maxamed Cabdi
Cabdi Caydiid Cumar
Mahdi Aadan Madar.
“Kuwaas oo ku gafay xeerka 72 xeerka socdaalka Somaliland, soona baxay 27/11/1995-kii . Qodobadda 17, 30, 37, xafarka d, xarafka k, xarafka t. Waxa lagu xukumay min lix bilood oo xadhig ah iyo min hal malyan oo shillinka Somaliland ah oo ganaax ah oo wadda socda.”Ayuu Cabdirashiid Beergeel