kadib dilkii taliyihi ciidamada Booliska gobolka Saaxil,waxa qasan xaalada magaalada Berbera,waxaana taasi ka dhalatay markii kooxo hubaysan oo ay naas nuujiyaan Maayirka degmada Berbera Cabdishakuur Cidin
iyo Maareeyaha dekeda Berbera Cali Xoor Xoor ay dileen taliyihii ciidamada Booliska ee gobolka Saaxil.
magaalada ayaa hadda ah mid kacsan waxaana u fadhiya shir oday dhaqameedka barriga Saaxil oo ah kuwa uu kasoo jeedo taliyaha la dilay.
waxa dhowaanahan ka taagnaa gobolkaasi khilaafaad dhul ,kadib markii ay dadka degaanka Barriga Saaxil isku dayeen inay dhisaan dekeda magaalada Ceel Gerde,taas oo keentay inay kooxahaasi hubaysan ee ay abaabuleen Maayir Cidin iyo Cali Xoor Xoor ay weerar ku qaadaan dekedaasi.
ilaa hadda lama oga sida ay ku dambayn doonto xaalada gobolkaasi,iyada oo goor dhoweyd maydka taliyaha lasoo gaadhsiiyey dhakhtarka weyn ee magaalada Berbera .