Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in Goobaha Diwaangelinta ee ku yaalla Magaalada Lowyacaddo oo ku taalla Xuduudka Somaliland iyo Jabuuti iska diwaangelinayaan Dad ka imanaya Dhanka Dalka Jabuuti.
Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa Degmada Lowyacaddo ee Somaliland u jirta 17KM, waxaana ku nool Dad ehelkooda ku nool yahay Daanta Dalka Jabuuti iyo Magaalada Jabuutiba, waxaana taasi sahashay in Dad reer Jabuuti ahi qaataan Kaadhadhka Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland.
“Diwaangelintu waxay ka socotaa Lowyacaddo 14 Cisho, haddana Dadku ma kala gu’in ilaa iyo Jabuuti oo Dadku way ku soo qul-qulayaan.”ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Selel oo Shalay la hadlay Saxaafadda.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isaguna Shalay soo kormeeray Goobaha Diwaangelinta ee Lowyacaddo, ayaa sheegay, “Waxaan soo kormeeray Goobaha Diwaangelintu ka socota ee Lowyacaddo, Diwaangelintu si wanaagsan bay u socotaa, laakiin Maaddaama oo Lowyacaddo ku taallo Xad una dhawdahay Magaalo aad u camiran oo 17KM u jirta (Jabuuti) waxa loo yahan yahay in la helo Qalab Diwaangelineed oo keyd ah si hawsha loogu sii wado haddii kuwan hadda shaqeynayaan istaagaan, Waayo? Shalay (Doraad) way kululaadeen oo Dadkaa ku badan, Dad badanna way ku soo qulqulayaan.”ayuu yidhi.