Somaliland: Diblomaasiyiin Telefishan Caalami Ah U Sheegay In Dib U Dhigistii Doorashooyinka Somaliland La Xidhiidhay In Lala Sugo Doorashada Soomaaliya

Date:

Barnaamij Gaar Ah Oo Faalleeya Siyaasadda Dunida Oo Lagu Soo Qaatay Qormo Ka Warramaysa Sababta Dib Loogu Dhigay Doorashadii Somaliland 2015

Barnaamij caan ah oo ka baxaya Telefishanka caalamiga ah ee TRT oo lagu magacaabo News Makers mar walbana lagu soo qaato qaddiyadaha culus ee dunida iyo siyaasadda adduunka ayaa toddobaadkan waxa si gaar ah loogu soo qaatay qormo ka hadlaysa falanqayn lagu sameeyey sababta keentay in doorashooyinkii Madaxweyne ee Somaliland ka dhici lahaa 2015 Dib loo dhigo iyada oo khubaro barnaamijkaasi lagu soo qaatay shaaciyeen sababta ak dambaysay in dib loogu dhigo doorashooyinka Somaliland la xidhiidhay sidii loola sugu lahaa ugu yaraan doorashooyinka la doonayay in laga qabto dalkaasi Soomaaliya oo ku beegnaa 2016 Balse wakhtigan u muuqda in ay iyana dib u dhacayso haddii aan xal kama dambays ah laga gaadhin qaabka doorashaadi ku dhici karto. Telefishankaasi oo laga leeyahay wadanka Turkiga ayaa faallo dheer ka diyaariyey xaaladda wadanka Soomaaliya.
Suxufi Simon Allison oo barnaamijkan ka qayb qaadanayay ayaa sheegay in diblumaasiyiin reer galbeed ahi u xaqiijiyiin in doorashada Somaliland sababihii dib loogu dhigay ahayd doorashada Federaalka Soomaaliya.
Barnaamijka News Makers oo ka baxay telefishinka TRT ayaa lagaga hadlay doorashooyinka soo socda iyo waliba xoogagga shisheeye iyo kuwa gudaha Soomaaliya ku sugan ee saameyn ku yeelan kara doorashooyinka Sooamaliya iyada oo wariye Simon Allison sheegay in diblomaasiyiin caalami ah oo u kuur gala siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya u sheegeen in sababta doorashooyinka Somaliland dib loogu dhigay ahayd Doorashooyinka adduunku rabay in ay ka qabsoomaan wadanka Soomaaliya inkasta oo Somaliland 1991-kii ay ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya. Barnaamijkaasi ayaa sidoo kale aad loogu falanqeeyey xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya ee wakhtigan iyada oo aad loogu qaadaa dhigay doorka ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya AMISOM.
Qaar ka mid ah Mucaaridka Somaliland ayaa hore u sheegay in sababta doorashada Somaliland dib loogu dhigay ay la xidhiidhay doorashada la filayo inay ka dhacdo Federaalka Soomaaliya dhamaadka sannadka iyaga oo aad arrinkaasi uga hadli jiray maalmihii ay dib u dhacaysay doorashada Somaliland. Dhinaca kale wariye Simon Allison ma caddayn jihooyinka uu ka soo xigtay xogtan uu ku sheegay in labada doorasho ee Hargeysa iyo Muqdisho la isla sugayay. Dalalka qaadhaanbixiyayaasha ayaa inta badan Somaliland u yimaadda arimaha doorashada iyo sidii loo heli lahaa doorasho xol iyo xalaal ah oo ka dhacda Somaliland balse aan mar kali ah shaaca ka qaadin qorshahooda labada doorasho ee Somaliland iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...