Somalia: Al-Shabaab oo hoobiyaal ku weeraray xarunta Villa Somalia

Date:

Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyoodey 13 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Caafimaadka.

Laba qof oo kamid ah dadka dhaawacmey ayaa ah caruur, dadka ku geeriyoodey waxaa kamid ah nin iyo laba caruur ah oo u dhalay iyo haweenay gurigiisa ka shaqeyneysey. Dhimashada waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane.

Hoobiyaasha ayaa ku soo dhacay guryo aad ugu dhaw Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana wararka qaar sheegayaan in qaar kamid ah madaafiicdu kuba dhaceen xarunta Villa Somalia gudaheeda, dadka geeriyoodeyna uu ka mid yahay nin Boolis ah oo ka mid ahaa dareewalada xafiiska Raysalwasaaraha.

Weerarakan masuuliyadiisa waxaa sheegtey al-Shabaab.

Nin u hadley al-Shabaab oo magiciisa ku sheegay Abu-Muscab ayaa warbaahinta u sheegay in werarkaani qayb ka yahay hawlgalo ay ka wadaan Muqdisho.

Weerarkan ayaa dhacay xilli maalin ah, Saddexda masuul ee u sareeya Dowladda Soomaaliya ayaa kuligood dalka ka maqan yihiin.

Dowladdu kama hadlin weli weerarkan khasaaraha geystey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...