Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa talaabo wanaagsan oo la qaaday ku tilmaamay guddidii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay Ictiraaf raadinta.
Mudane Jamaal Cali Xuseen, murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID oo qoraal kooban oo uu soo dhigay cinwaanka uu ku leeyahay goobta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facabook ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in guddidan loo sameeyo Qorshe iyo Maaliyad ay ku hawl gasho.
Murashax Jamaal Cali Xuseen oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waa talaabo wanaagsan oo la qaaday, maalintii Su’aalaha HCTV dhalinyaradu igu weydiinaysay Green Plaza waxaa ka mid ahaa qodobkan oo kale inaan Guddi Ictiraaf raadin ah sameyn lahaa miisaaniyad lacag ahna loo sameyn lahaa, qorshe weyn loo sameyn lahaa, markaa waan ku dhiiri gelinayaa fikradan, laakiin tollow miisaaniyadu ma la socotaa? Qorshahuna ma la socdaa? Inshallah Ilaahay kheyr ha ka dhigo”.
Aragtidan murashaxu bixiyey ayaa timi ka dib markii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuuud (Siilaanyo) uu magacabay guddi ka kooban 17 xubnood oo ka shaqayn doonta Ictiraaf raadinta Somaliland, kuwaasi oo ay ku jiraan guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.