Cudurka COVID 19 Oo Daawo Loo Helay

Date:

Sarkaalka ugu sarreeya ee Mareykanka u qaabilsan ka hor-tagga cudurka caabuqa ayaa sheegay in dawada Remdesivir ee lagula dagaalamo fayruska, oo ay sameyso shirkadda Gilead, ay noqon doonta dawada guud ee lagula tacaalo cudurka COVID-19.

Hadalka Dr. Anthony Fauci ayaa yimid kadib markii natiijo horudhac oo laga helay tijaabo la sameeyey ay muujisay in dawada ay bukaanada ka caawiso inay si dhaqso ah uga soo bogsadaan xanuunkan uu sababo coronavirus.

Dr. Fauci ayaa sheegay in natiijada horudhaca ee tijaabada dowladda Mareykanka ay muujineyso in bukaanadii la siiyey dawada Remdesivir ay kasoo kabasho deg deg badnaayeen kuwa aan la siin 31%, taasi oo uu ku qeexay “mid muhiim ah.”

“Tani xaqiiqdii waa muhiim,” ayuu Fauci ugu sheegay weriyayaasha Aqalka Cad, isaga oo la meel-dhigay sanaddii 1986-kii, markaasi oo uu yidhi “waxaanu la xarbineynay inaan dawo u helno HIV, waxbana ma hayn.”

“Tani waxay noqon doontaa dawada guud ee lagula tacaalo dadka,” ayuu yidhi isaga oo intaas ku daray “Hay’adda maamusha dawooyinka ee FDA ayaa kala shaqeyneysa Gilead hababka dawada ay ku heli karaan dadka u baahan.”

Shirkadda Gilead ayaa Arbacadii soo bandhigtay xog wanaagsan oo muujineysa in dawada ay si wanaagsan u shaqeyso marka bukaanada la siiyo xilli hore.

Machadka Qaran ee Caafimaadka ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee 1,063 oo bukaan ay muujineyso in bukaanada la siiyey Remdesivir ay cudurka Coronavirus uga soo kabteen cel-celis ahaa muddo 11 maalmood ah.

Ma jirto illaa iyo hadda dawo si rasmi ah loo ansixiyey oo lagu daweeyo Coronavirus, taasi oo dhaqaatiirta ku qasabtay inay tijaabiyaan dawooyin kala duwan.

Weli Remdesivir laguma qeexin inay dawo u tahay cudurka, hase yeeshee waxaa bukaanada ka caawisaa inay deg deg uga kacaan cudurka marka loo eego kuwa aan la siin, waxaana jiri doona tijaabooyin kale oo dheeri ah oo lagu sameyn doono.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...