Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay sadex qarax oo waaweyn oo Axadii shalay gelinkii danbe ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimada Siiriya.
Shalay ayey sidoo kale labo weerar oo bambaano ka dhaceen magaalada Homs oo ay dhawaan dib ulla wareegeen ciidamada Dowlada Bashaar Al Assad. Labada qarax ee Homs ayey ku dhinteen dad ka badan 57 qof. Weerarkaasi ayaa ka dhacay bartamaha magaaladaasi xaafada lagu magacaabo Sahra.
Dhinaca Dimishiq weerarada ka dhacay ayaa loo adeegsaday gaari bambaano lasoo saaray iyo labo qof oo isku qarxiyey Goob ay booqdaan dadka shiicada ah kuna taal koonfurta Dimishiq halkaasi oo sadex goor oo hore loo weeraray horaantii sanadkan iyo sanadkii lasoo dhaafay.
Labada weerar ee ka dhacay magaalooyinka Dimishiq iyo Homs ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish.
Weeraradii shalay ayaa lagu soo beegay xili dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka uu dadaal ugu jiro sidii loo hirgelin lahaa xabad joojin lagu hakiyo dagaalka ka socda guud ahaan wadanka Siiriya.
Xukuumada Siiriya iyo Qaar kamid ah Jamhadaha ka dagaalamaya Siiriya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin balse waxay ku xireen shuruudo.
Waxaan iyagu gebi ahaan waan waanta socota aanan qeyb ka ahayn kooxda Daacish iyo dhaq dhaqaaqa Al Nusra ee Al Qacidada Siiriya kuwaasi oo iyagu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalkooda.