Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, ayaa ku noq-noqday inay dhawr Guddi oo kala duwan oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u xil saaray dhawaan shaqooyin kala duwan,taasi oo rayul caamku ka dareen celiyeen.
Guddiyan madaxweynuhu saaray waxa mar walba safafka hore kaga jira Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Waran-cadde iyo Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan.
Madaxweyne Ku-xigeenka
1-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu Guddoomiye u yahay Guddida wax ka qabashadda sicir-bararka iyo sarifka lacagaha qalaad.
2-Waxa kale oo Madaxweyne Ku-xigeenku uu hormuud u yahay Guddida gurmadka abaaraha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha
1)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu Guddoomiye u yahay Guddida qaban-qaabada xuska 18-ka May 2016.
2)-Wasiirka Daakhiligu waxa uu xubin ka yahay Guddida wax ka qabashada sicir bararka.
3)-Wasiir Waran-cadde waxa uu iyana xubin ka yahay Guddida Guddida dib habaynta iyo gacan ku haynta dhulka iyo Guryaha dawladda.
Wasiirka Madaxtooyadda
1)-Wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu xubin ka yahay Guddida Sicir-bararka.
2)-Wasiir Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu xubin ka yahay Guddida aqoonsi raadinta.
3)-Wasiirka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu xubin ka noqonayaa Guddida dib u habaynta dhulka oo uu hore xubin uga ahaan jiray Wasiirkii hore ee is casilay.
Wasiirka Maaliyadda
1)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxay Guddoomiye Ku-xigeen ka tahay Guddida gurmadka abaaraha.
2)-Wasiir Samsam sidoo kale waxay Guddoomiye ku xigeen ka tahay Guddida wax ka qabashadda sicir bararka.
3)-Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa kale oo ay Guddoomiye ka tahay Guddida qaban qaabada 18-ka May 2016.
4)-Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo ay xubin ka tahay Guddida dib habaynta iyo gacan ku haynta dhulka iyo Guryaha dawladda.
Ray’ul caamka bulshaddu waxay Guddiyadan ka ammaaneen Guddida abaaraha oo ay xuseen inay aad u shaqeeyeen, waxaanay dadka abaaruhu tabaaleeyeen laga soo weriyay inay ammaan balaadhan u jeediyeen Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay sheegeen inay door libaax ka qaadatay gurmadka loo fidiyay dadweynaha ay hayaan abaaraha kulul ee ka jira gobollada galbeedka Somaliland.
Waxase dadka siyaasadda lafo guraa ay ku doodayaan in Guddiyadan badan ee dhawrka masuul ku soo noqnoqonayaan ay keeni karto mashquul badan oo wax nusqaamin kara natiijadii laga doonayay Guddiyadu inay soo saaraan. maadaama oo aanay wakhti badan u helayn oo ay kaga gun gaadhaan hawshii loo xil saaray.