Somaliland: Wasiirka Madaxtooyada oo Boqday Suxufi Cabdiqaadir Bay.

Date:

Wasiirka Madaxtooyada oo Gurigiisa ku boqday Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Bay) oo Xaalad Caafimaad u jiifa.

“Xaalada Cabdiqaadir waan gaadhsiin doonaa Madaxweynaha, Wuxuu kala hadhayaa ma jirto. ” Wasiirka Madaxtooyada JSL. Maxamuud Xaashi Cabdi”
………………………………………………………………………………………

Hargeysa()20/02/2016 Suxufi Cabdiqaadir Maxamed Ciid, Walaalkeen waxaynu ugu nimid in aynu la wadaagno duruufta uu ku jiro, Suxufiyiinta kale ee goob jooga ahna waan u mahad naqayaa, isagana waxana ILAHAY ugu barayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ILAHAY ayaa cudurka keena isagana caafimaadka bixiya, ILAHAY ayaan caafimaad kaaga rajaynayaa, waxaan kuu dardaarmayaa samir iyo dulqaad.

Suxufiyiintu waxay ka mid yihiin dadka shaqooyinka Qaran haya waana waajib in la daryeelo noloshooda, inkasta oo aynu nahay Qaran iska itaal yar, hada intaa aynu hayno ayeynu yabyabanaa.

Waan u mahad mahad naqayaa ragii masuuliyiinta ahaa ee Warka Cabdiqaadir Madaxtooyada keenay, aniguna waxaan ka wakiil ahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, xaalada Cabdiqaadirna waan gaadhsiin doonaa, Madaxweynuhu wuxuu kala hadhayaa ma jirto, Cabdiqaadir wuxuu ka mid yahay dadka ugu mudan ee ay tahay in la ilaaliyo ama la daryeelo.

Sideedaba dadka ugu badan ee Madaxweynuhu uu caafimaad u dirro ha noqdaan shaqaale dawladeed, Odayaal ama Siyaasiyiin, waxa weeye dad uu Madaxweynuhu xil dheeraad ah iska saaro, intaan xogogaal ka ahay waxa laga yaabaa in dadka shaqsiyada Siilaanyo aan aadka u Aqooni aanay fahmi Karin, laakiin waxa weeye sida Hogaamiye balaadhani uu wax u maamulo ayaa u maamulaa, waxa dhacda in Raga ugu fog ee ugu eedaha iyo Cayda badan, ee Siyaasada ay isugu xagtimo badan yihiin, uu Dhakhtar u dirro, waxba halkan ka sheegi maayo, nin loola yimid oo uu qadiyeyna ma jiro, raga waaweyn ee xitaa mucaaridka ah, waxa laga yaabaa in Hogaamiyaha aan balaadhnayni uu yidhaa ninkan waa is haysaan ee ha dirin.

Cabdiqaadir waa kuwa ugu mudan kaalmo, bahda Saxaafadda waa in la daryeelaa, ILAHAY Dartii ayaanu ugu nimid, iyo masuuliyada dalka naga saaran Istus iyo ujeedo kalena kama lihin, Aroorta laga bilaaba hawshiisa waanu bilaabaynaa, Madaxweynaha waan u tagayaa caawa, wax kasta oo lala qaban kara waanu la qabaynyaa, sidaas ku niyad samow, dee dal iyo Qaran ayaad leedahay iyo saaxiibo badan. ILAHAY-na caafimaad ayaan kaaga rajnayaa.”

12734126_910586609055193_7855012393410388776_n 12745893_910586769055177_6024831495595475290_n
Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...