Ruushka oo ka digay Dagaal Caalami ah hadii ciidamo la keeno Siiriya

Date:

Raysalwasaaraha Ruushkha Dmitry Medvedev ayaa ka digay in ciidamo ka socda dalalka Carabta loo diro wadanka Siiriya, tilaabadaasi oo uu sheegay inay keeni karto dagaal Caalami ah oo ka duwan kan hada ka socda dalkaasi.

Dmitry Medvedev oo todobaadkan wareysi siiyey jariirada Handelsblatt oo kasoo baxda dalka Germany, ayaa mar la weydiiyey sida uu arka hadalka kasoo yeeray wadanka Sucuudiga oo sheegay inuu ciidamada dhulka u diri doono Siiriya si loola dagaalamo kooxda Daacish.

Medvedev oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “…Maraykanka iyo dalalka Carabta waa inay ka fekeraan inay doonayaan dagaal caalami ah iyo in kale…” isagoo sheegay in dowlada Siiriya oo ah xulafadooda ay kasoo horjeedo wax ciidamo caalami ah oo dalkooda la keeno.

Ruushka oo sheegay in iyagu joogitaankooda Siiriya ay ogolaansho ka heystaan xukuumada Bashaar Assad ayaa dhinaca kale sheegay in aan loo dulqaadan doonin ciidamo kale oo si amar la aan ah iska soo gala gudaha wadankaasi.

Dhawaaqa digniinta ah ee kasoo baxaya Ruushka ayaa lagu soo beegay xili uu socdo qorshe uu Maraykanka ku lug leeyahay oo lagu doonayo in ciidamo ka socda dalalka Khaliijka loo diro gudaha Siiriya si ay gacan u siiyaan xoogaga mucaaridka ee kasoo horjeeda Xukuumada Bashar Al assad.

Dalalka Ruushkha iyo Maraykanka ayaa khamiistii shir ay Wasiiradooda Arrimaha Dibada ku yeesheen magaalada Munich ee dalka Germany, meel isla dhigay in la hakiyo dagaalada ka socda Siiriya si gar gaar bini’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka shacabka ah ee ku go’adoonsan magaalooyinka ay dagaalada ka socdaan.

Hase yeeshee Hogaamiyaha Siiriya Bashar Al Assad oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in xiligan xabad joojin aysan suurto gal ahayn, isagoo ku goodiyey inuu soo afjari doono dagaalka uu kula jiro kooxaha kasoo horjeeda.

Dhinaca kale kooxaha Mintidiinta Nusra iyo Daacish ayaan iyagu wax kaalin ah kulahayn wadahadalada ay Beesha Caalamka ku dooneyso inay ku wada hadalsiiso dowlada iyo Mucaaridka, arrintaasi oo meesha ka saareysa in la helo xabad joojin rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...