Maraykanka oo gantaalo difaac geeyey Kuuriyada Koonfureed

Date:

Dowlada Maraykanka ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay inay gantaalo horleh oo nooca difaaca ah ay geystay wadanka Kuuriyada Koonfureed, si looga hortago khatarta dowlada Kuuriyada Waqooyi.

Go´aankan Maraykanka qaatay ayaa ah mid looga jawaabayo Gantaalkii ridada dheeraa oo uu wadanka Kuuriyada Waqooyiga todobaadkan ku guuleystay inuu tijaabiyo.

Gantaalada loo yaqaan Patriot missile oo ah kuwa soo rida gantaalada hawada ayaa lagu xoojiyey ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfureed ee ku sugan xaduuda dalka Kuuriyada Waqooyi iyo duleedka magaalada Seoul ee caasimada Kuuriyada Koonfureed.

Xiisada ka taagan dalalka Kuuriya ayaa ah mid sii xumaaneysa kadib markii Dowlada Kuuriyada Waqooyi sheegtay inay dar dar gelineyso dhismaha hubkeeda wax gumaada ee Nukliyeerka iyo gantaalada ridada dheer.

Beesha Caalamka ayaa si weyn u cambaareysay tijaabada hubka ee uu wadankaasi wado, balse illaa iyo hada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inaysan waxna ka bedali doonin barnaamijkooda militari oo ay khatar u arkaan dalalka jaarka la ah gaar ahaan Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...