Somaliland: Nuxurka Kulan saddex Geesood ah oo dhexmaray Komishanka doorashooyinka, Xukuumada Iyo Xisbiyada qaranka

Date:

WAR-SAXAAFADEED

Kulan Saddex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka oo lagu gorfeeyey muwaadiniin mudo  badan waayey xuquuqdoodii Distooriga ahaa ee ay wax ku dooran lahaayeen ama iyagaba  la  dooran lahaa.

Kulan Saddex geesood ah oo maanta ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada ayey kasoo qaybgaleen tiro kamida golaha Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran.

Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey Ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka  dhacay  halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd  ee qeexaysay  in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.

Goobaha oo kala ahaa:

Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha   ayaa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquuqdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku  kulmaan  Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Haddaba, kulankan oo si heer sare ah  loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan kasoo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobtaas ku nool

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo  noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah  muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.

Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arimaha lagu gorfeeyey hannaan qaranimo iyo dareen ummadnimo 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...