Wasiirkii hore ee wasaarada Caafimadka Somaliland ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Cabdi Haybe isla markaana ka soo jeeda Gobalka Hawd iyo xaafada Axmed Dhagax ayaa maanta mar uu ka hadlaya xaflad xisbiga wadani kusoo dhawaynayeen Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan Iyo taagerayaashiisa waxa uu ka Hadley wararka sheegaya in xukuumada madaxweyne Siilanyo ay wado qorshe ay ku iibineyso dhismaha xerada ciidamada qaranku ku leeyahiin Bir-jeex.
Waxaana Uu Cabdi Haybe Uga Digay Xukumada madaxwayne siilaanyo inay isku daydo inay iibiso xerada ciidamada ee bir-jeex sidoo kalena Waxa Uu Bulshada Xaafada Axmed Dhagax Ugu Baaqay inay ka dhiidhiyaan isla markaan ay ka dagaalamaan qorshahaas ay xukumadu maleegayso, Sidoo kalena Waxa uu sheegay inay xeradaasi ay ledahay xaafada Axmed Dhagax Waxaan uu yidhi.
“Waxaan maalmahan maqlaayey xukuumada Somaliland ayaa rabta in ay iibiso xerada ciidmada ee Bir-Jeex xeradaas waxaa iska leh xaafada Axmed Dhagax mana suurto gali karto hadii ay xukuumadu arintaasi isku deydana waa in ay xafaada Axmed Dhagax ay ka dagaalantaa” ayuu yidhi siyaasiga Cabdiheybe.
Si kasteba ha haatee hadalka kasoo yeedhay wasiirkii hore ee caafimaadka SomalilandCabdi Haybe Ayaa kusoo beegmayay xili ay jiraan warar sheegaya inay xukumada madaxwayne siilaanyo qorshaynayso iibinta Xerada Ciidamada Qaranka somaliland ee Bir-jeex ee ku taa