Lix qof oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Eritereya ayaa lagu xukumay xabsi sanado ah, kooxdan ayaa ahaa kuwii soo abaabulay doonidii bada ku degtay sanadkii 2013 oo ay ku dhinteen Soomaali iyo dad u dhashay Eritereya.
Kooxda la xukumay ayaa lagu soo oogay inay iyagu sabab u ahaayeen musiibadii ay ku degtay Dooni ka timid dalka Liibiya oo siday boqolaal tahriibayaal ah.
Shilkaasi ayey bishii Oktoober ee sanadkii 2013 ay ku dhinteen dad gaaraya 366 oo u badan Soomaali iyo Eritereyaan.
Raggan lagu maxkamadeeyey Palermo ayaa lagu xukumay 3 illaaa lix sano oo xabsi ah.
Balse waxaa la sheegay in hogaamiyaha kooxdan ka ganacsada Tahriibta uu weli ku sugan yahay wadankaasi Liibiya.