Imaaraatiga: oo sheegay inay iyaguna diyaar u yihiin ciidamo ay u diraan Siiriya

Date:

Dowlada Imaaraatiga ayaa noqotay xukuumadii labaad ee dalalka Khaliijka oo sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamada dhulka u diraan wadanka Siiriya.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Federaalka Imaaraatiga Anwar Gargash ayaa Axadii shalay saxaafada u sheegay in wadankiisa diyaar u yahay in ay ka qeyb qaataan isbaheysi ciidamo loogu dirayo wadanka Siiriya.

Todobaadkii tagay ayey sidan oo kale dowlada Sucuudiga u sheegtay inay diyaar u yihiin ciidamo inay u diraan dalka Siiriya, hadii ay Beesha Caalamka ku heshiiso isbaheysigaasi militari.

Imaaraatiga ayaa dhankooda sheegay inaysan kumanaan ciidan ah u diri doonin Siiriya, balse ciidamadoodu koobnaan doonaan, waxayna sharuud arrintan uga dhigeen in Maraykanka uu hogaamiyo isbaheysigaasi.

Dowlada Siiriya oo Sabtidii jawaab siisay Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in ciidamo shisheeye oo aan ogolaansho ka heysan dalkooda aysan soo geli karin, isla markaana ciidamada Khaliijka hadii ay halkaas yimaadaan meydadkooda naxash lagu soo celin doono.

Dalalka Carabta ayaa walaac ka qaba kaalinta dowlada Ruushka ay ka qaadaneyso dagaalka Siiriya oo hada u muuqda inay ku gacan sareyso Xukuumada Bashar Assad oo taageero dhanka cirka ka helaysa diyaaradaha Ruushka oo hada duulaan xoogleh ku qaaday magaalada labaad ee wadanka Siiriya Aleppo.

Dhinaca kale dalalka Khaliijka ayaa sheegay in kooxda Daacish aysan weli awoodooda wiiqmin loona baahan yahay in lagula dagaalamo dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...