Somaliland: Wasiir Sacad Oo Maamulka Muqdisho Ku Eedeeyay Inaanay Daacad Ka ahayn Wada Hadalada

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dawladda Somaliya ku eedeeyay inaanay daacad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, taas oo sabab u ah faashilka ku yimid wada hadaladii u dhexeeyay labada dawladood.

 

Wasiir Sacad, oo waraysi siiyay jariirada Ethiopian reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, uu wada hadalada wiiqay ka dib markii uu wada hadalada Somaliland iyo Somailya u soo diray dad reer Somaliland ah oo degen Somaliya. Wargeyska ayaa wasiirka weydiiyay sababta burburisay wada hadaladii u dhexeeyay labada dawladood, waxaanu Wasiir Sacad yidhi  “Waxaad ogtahay in wada hadalada loogu tallo galay inay dhex maraan Somaliland iyo Somaliya, laakiin madaxweynaha Somaliya wuxuu soo diray wefti ka kooban dad reer Somaliland ah oo Somaliya degen. Waxaan isleeyahay inay taasi burburisay qorshihii oo dhan, maadaama oo loogu tallo galay in wada hadaladu dhex maraan Somaliland iyo Somaliya. Taasina waa bidhaan weyn oo muujinaysa inaanay dawladda Somaliya ahmiyad siinayn wada hadalada.”

Wasiirka oo wax laga weydiiyay qorshaha maalgelinta dekedda Berbera iyo shirkadaha ku tartamaya wuxuu sheegay in sannadkan la soo gunaanadi doono kala saarista shirkadahaas ku tartamaya horumarinta dekedda Berbera,  “Waa hawl soo socotay sannado dhawr ah, haddana waxa jira dhawr shirkadood oo u soo baxay kama dambaystii, waxaana ka mid ah  Bollare, DP World  iyo Mediterranean Shipping  Company S.A. (MSC).   Waxaanu hadda ku guda jirnaa hawshii aanu ku qiimaynaynay codsiyadan annagoo gacan ka helayna baanka adduunka iyo weliba la taliyayaal, waxaanan ku rajo weynahay inaanu badhtamaha sannadkan soo gunaanadno.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...