Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa Shalay kulan hadhimo sharafeed ah magaalada Hargeysa ugu sameeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka iyo madaxdhaqameedka ka soo jeeda beesha reer Daahir/Habar-jeclo ee degta deegaanka degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer.
Waxaana kalankan ka soo qaybgalay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI Marwo Hinda Jaamac Gaani, Cismaan Afgaab, Cabdirashiid Maxamed Yare(Boogta), Aadan Saalax aw-Diiriye, Bile Jaamac, Cawil Cabdi Maxamed, Cabdiraxmaan Axmed Gaas iyo Maxamed Ismaaciil Hayaan.
Siyaasiyiintan iyo wax-garadkan guddoomiye Cirro u sameeyey qado sharafta, oo dhammaantoodba ka mid ahaa dadkii sida weyn uga qeyb-qaatay soo dhaweyntii ballaadhan ee magaalada Balli-dhiig iyo deegaanada ku xeeran looggu sameeyey weftigii SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayey guddoomiye Cirro oo deegaanada hoos yimaada gobalka Togdheer socdaal ku soo maray bishii aynu soo dhaafnay. Waxaana sida oo kale uu kulankani ahaa mid looggu gogal xaadhayo xaflado ballaadhan oo loo qabanayo siyaasiyiin iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo jeeda deeganadaasi isla mar ahaantaana ku soo biiraya xisbiga WADDANI.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo wax-garadka ka soo jeeda deegaanka Balli-dhiig oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba guddoomiyaha xisbiga WADDANI uga mahad-celiyey
Xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo sida oo kale Cismaan Af-gaab oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in farxadweyn ay u tahay in markale halkan kulan ku yeeshaan.
“Waanu ku faraxsanahay in aynu halkan mar kale ku kulanno, si fiican ayaad hore nooggu soo dhaweyseen deegaanada.”