Manchester City ayaa ka dhigi karta xiddiga reer Brazil Neymar saxiixoodii ugu horeeyay ee kacaanka cusub ee uu dhisi doonto Pep Guardiola xilli ciyaareedka danbe.
Neymar oo 24 sanno jir ah ayaa ka mid ah ciyaartoyda sida wyen looga raadinayo caalamka kubada cagta, waxaana ay City u baahnaan doontaa inay bixiso 145 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa kooxda Barcelona.
Laakiin xiddigii hore ee Barcelona iyo Brazil Ronaldinho ayaa aaminsan in City ay diyaar u tahay inay dalab rasmi ah ka gudbiso Neymar kaasoo shaaca ka qaaday dhawaan inuu jeclaan lahaa inuu ka hoos ciyaaro Guardiola kaasoo City qabanaya 1da bisha July.
Ronaldinho ayaa yiri: “Neymar waxa uu durbaba ka hadlay inuu jecel yahay inuu u ciyaaro Pep Guardiola.
“Taasi waxa ay aheyd fariin culus iyadoo dadka badankiis ay ogaayeen in Pep uu ku biirayo xagaaga kooxda Manchester City.
“Waan ognahay waa ay bixin karaan mushahar ka badan inta ay bixin karaan kooxaha kale ee awooda leh ee qaarada Yurub.”
Aabaha dhalay Neymar ayaa isbuucii hore sheegay in koox weyn oo Ingariis ah inay u soo dhawaatay wiilkiisa bishii Janaayo. Waxaa la rumeysan yahay inay kooxdaas aheyd Manchester United.