Xukuumadda wadanka Itoobiya ayaa il gaar ah ku haysa dhaqdhaqaaqyo cusub oo dawladda Masar ka samaynayso maalmihii ugu dambeeyey wadanka dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya gaar ahaan hub, gaadiid iyo saanad milatari oo dalkaasi Masar soo gaadhsiiyey wasaaradda Gaashaandhigga ee maamulka Muqdisho iyada oo dawladaha Masar iyo Itoobiya ay ka dhaxayso xafiiltan siyaasadeed maadaama ay yihiin laba waddan oo ku muransan biyaha wabiga Niil.
Shabakadda wararka ee Ethiopian Review ayaa baahisay warbixin kooban oo ay kaga hadlayso xaaladda ugu dambaysay ee Itoobiya isha sida gaarka ah ugu hayso oo ah dhaqdhaqaaqyo ay dawladda Masar muddooyinkii ugu dambeeyey ku awoodaynayso maamulka taagta daran ee Soomaaliya iyada oo Itoobiya isha ku haysa danaha siyaasadeed iyo istaraatiiji ee ay la leedahay wadankaasi Soomaaliya ee qalalaasuhu ka taagtaa 25-ka sanadood iyada oo ay ugu dambaysay darraad oo Safiirka Masar ee Muqdisho maamulka dalka Soomaaliya ku wareejiyey saanad milatari oo ku jirta koontiinarro aan la shaacin xaddigooda iyo waliba hub iyo waliba gaadiid kooban oo ah kuwo loo adeegsanayo lojistikada ciidamada.
Wasaaradda Gaashaandhigga maamulka Muqdisho waxa ay Khamiistii kala wareegtay deeq isugu jirtay gaadiid iyo qalab-xafiiseed dawladda Masar, waxaana Munaasabadda wareejinta ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka dawladda Masar Waliid Ibraahim. Danjire Waliid oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gaadiidka ay ku wareejiyeen Wasaaradda Gaashaandhiggu uu qeyb ka yahay taageerada Dawladda Masar ay la garab tagaantahay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Somalia: Somaliland iyo Itoobiya Oo Isha Ku Haysa Hub Iyo Saanad Milatari Oo Masar Siisay Xukuumadda Muqdisho
Date: