Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay cabashooyin Maalmihii u dambeeyay ka soo yeedhayey qaar ka mid ah shaqaalaha Warfaafinta iyo barnaamijka dib u habeynta Shaqaalaha iyo Shaqada.
Wasiirka oo Shalay kulan la yeeshay Waayeelka Saxaafadda Dawladda Somaliland ee ka hawl-gala Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay in la helay xal lagu furdaamiyo Caqabadaha ka soo noqday Barnaamijka dib loogu hagaajinayo Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu halkaa kaga dhawaaqay Guddi ka shaqeysa xal u helidda Caqabadaha taagan ee la xidhiidha Shaqada iyo Shaqaalaha Warfaafinta.
“Imika ma nihin kuwa ay Caqabadahaasi celin karayaan, waxaynu helay xalkii ugu Wanaagsanaa ee lagu furdaamin lahaa furihiisii kaasi oo ah kulankan aynu Maanta (Shalay) qabanay, waxayna Guddida aan Magacaabay ka soo talin doonaan Sida aynu Xal uga gaadheyno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu Guddidiinaa idinku asturo Xilkaa.”
Wasiirku wuxuu sheegay in Guddidaas ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Maareeyaha Telefiishanka Qaranka Somaliland, kuwaasi oo si wada jir ah u hagi doona Guddida xalka u raadinaysa Caqabadaha iyo cabashooyinka ka soo noqday Barnaamijka dib u habaynta Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.