Somalia: oo dalbanaysa khubaro caalami ah ee baaritaanka diyaaraddii Daallo Airlines

Date:

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo kamid tahay shilkii Diyaaradii Daallo ee ka duushay Muqdisho kuna siijeeday Jabuuti iyo Ammaanka guud ee dalka.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn, warbixinta amniga ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo tilmaamtay in dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey ay daganayd xaaladda guud ee dalka marka laga reebo falal kooban oo kooxaha argagixisadu ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobollada dalka iyo Caasimadda.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya Cali Jaamac Jangeli, ayaa golaha siiyey warbixin horudhac ah oo ka soo baxday shilkii Diyaaradda Daallo. Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan horudhac dhac ah oo la sameyey uu muujinayo tuhumo cadeyn dheeraad ah u baahan oo aan looga maarmayn in lala kaashado khubaro caalami si loo xaqiijiyo wixii sababay shilkaasi diyaaradeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa tilmaamay in sida ugu deg-degsan looga sal-gaari doono natiijada baaritaankan, isagoo balanqaaday in dawladdu adkeyn doonto amniga Garoonka si looga hortago khatar walba oo imaan karta.

Wuxuna xusay baaritaan la sameeyey ka dib in Muwaadinka lagu magacaabo Cabdulaahi Cabdisalam Boorle oo ku dhintay shilkaas diyaaradeed, isla markaana ay ku dhaawacmeen labo muwaadin oo kale.

Qofka ku dhintey shilka ayaa metkiisa laga heley meel ku dhaw degmada Balcad, kadib markii uu ka baxay daloolka diyaaradda uu qaraxu u sameeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...