Somaliland: “Maaha in Koox yar oo Madaxwaynaha ku Gedaaman inay Sharciga siday doonaan u Isticmaalaan, waxaan Ogahay in Madaxweynaha la Majaro Habaabinayo…..”

Date:

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Qorsheynta oo Xukuumadda ku Cambaareeyay Xadhigga Ganacsadaha Maalgashaday Tiyeetarka Hargeysa

Ciidammada Booliska, ayaa Shalay xidhay Cumar Caydiid oo ka mid ah Ganacsatada Reer Somaliland, isla-markaana ah Muwaadinka Maalgashaday Tiyeetarka Caasimadda Hargeysa.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidamada Booliska Somaliland oo sheegaya sababta loo xidhay Ganacsade Cumar Caydiid, laakiin, waxa lala xidhiidhinayaa muran ka taagnaa Tiyeetarka Magaalada Hargeysa oo Xukuumaddii Daahir Rayaale ku wareejisay isla-markaana uu dhismihiisa waday oo dib u soo laba kacleeyay.

Ganacsade Cumar Caydiid oo Xukuumaddii Daahir Rayaale ku wareejisay Dhismaha Tiyeetarka oo Wakhtigaa dunsanaa, ayaa Maalgeliyey oo ka hirgeliyey dhisme dhowr dabaq ah illaa haddana socda, hasa-ahaatee, dhul bannaan oo dhismaha Tiyeetarka u noqonayo meel Gaadiidka la dhigto (Parking), ayaa sida la sheegay waxa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo siisay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo Suldaan Cabdiraxmaan Good oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, taas oo keentay inuu khilaaf ka dhex qarxo Ganacsadaha Tiyeetarka Maalgeliyey iyo Labada Suldaan, kaas oo markii dambe u gudbay labada Beelood ee ay ka soo kala jeedaan labada Suldaan iyo Ganacsade Cumar Caydiid.

Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Xalay Wargeyska Himilo la xidhiidhay isla-markaana waydiiyey sababta loo xidhay Ganacsade Cumar Caydiid, ayaa sheegay inaanu ka hadlayn ee aanu la xidhiidhno Taliye ku-xigeenka oo hawshaas qaabilsanaa, balse, nooma suurto-gelin inaanu helo Taliye ku-xigeenka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.

Hasa-ahaatee, waxa xadhigga Ganacsadaha ka hadlay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Cabdikariin Axmed Mooge, waxaanu yidhi, “Ganacsade Cumar Caydiid wax fal-dambiyeed ah faraha kulama jirin haba-yaraatee, markaa waxa Nasiib daro ah in Boolisku Xoog iyo amar ku qabtaan iyaga oo aan Waaran u sidan.”

Cabdikariin Axmed Mooge, waxa kale oo uu sheegay, “Reer Somaliland waxaan u sheegayaa, haddii Somaliland noqoto meel marba Afarta qof ee xilka hayaa qofka doonaan iska xidhi karaan iyaga oo aan Sharciga soo marin Maaha Somalilandtii aan jeclaa. Ninka dhallinyarada ah ee Maalqabeenka ah ee shaqeysta haddii aayar la iska xidhan karayo, Dadka Masaakiinta ah ee Waddooyinka taagtaagana marka gaadiidku iska dul-maro ayaan dhiiggooda iyo Xadhiggooda wax xaaraantimaynayaa aanu jirin. Waxaan leeyahay Dawladda waxay samaysay waa xun weeyaan, waa Sharci daro, wixii loo dhintay Maaha, waxaynu Dawlad ku nahay Maaha, Somaliland lafteeda ayay tahay in wax la iska waydiiyo haddii Sidii Siyaad barre loo dhaqmayo, oo uu Askarigu sidii Siyaad Barre u dhaqmayo.”

Cabdikariin oo goob-joog u ahaa Xadhigga Ganacsadaha oo la waydiiyey Cidda uu u maleynayo inay bixisay Amarka lagu xidhay, ayaa ku jawaabay, “Maaha in Koox yar oo ku gedaaman Madaxwaynahayga aan Ixtiraamka u hayo inay Sharciga siday doonaan u Isticmaalaan. Booliska Somaliland qofna iskama xidhaan, ee Niman la yidhi Burco ayay joogaan ayaa Amarku ka yimid, waxaanse ogahay in Madaxwaynahayga la majaro habaabinayo oo warar aan sugeyn loo sheegayo. Waxa igu maqaalo ah in Ganacsade Cumar Caydiid loo xidhayo Odayaal hadlay, dee Odayaasha hala doonto hadday Sharciga ku gefeen, laakiin, Qof Muwaadin ah in lagu yidhaahdo Hebel baa hadlay oo Adigaa ka dambeeyay oo aanu ku xidhnaynaa, waxaasi Maaha wixii Somaliland loo dhisay ee loo soo dagaalamay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...